Nooca Dadka Ee Caqliga Badan!

0
104

Dadka Caqliga badani cid kale in ay maskaxda ka qabsato way iska ilaaliyaan , Raโ€™yigooda iyo Maskaxdooda ayay ku socdaan , awood ayay u leeyihiin inay dareenka iyo caadifadooda xakameeyaan. Dadkani Isbadalka naftooda kama baqaan , waxa ay jecel yihiin markasta in ay sameeyaan isbadal wanaagsan.

Guulaha dadka kale kama hinaasaan , guushuna waa natiijada dadaalka. Marka ay fashil ku dhacaan ma quustaan, mar labaad ayay halkii ka sii wadaan ilaa ay guulaystaan. Iskuma dayaan in ay dadka oo dhan raalli geliyaan, maxaa yeelay waa arrin aan suurto gal ahayn.

Dadka caqliga badani khataraha nolosha waa ay u badheedhaan oo marnaba kama baqan, laakiin waxay ku xisaabtamaan qiyaasta halista ah ee ku lammaan.

Nooca dadka ee caqliga u saaxiibka ahi wakhti badan kuma lumiyaan arrima la soo dhaafay waxa ay ka dhigtaan casharo waayo aragnimo waana ay iska dhaafaan. Wakhtigooda badanakiisa wax ay geliyaan mustaqbalka iyo waxa soo socda , iyo sida looga faaโ€™iidaysanayo. Wakhti badan haku lumin wax ku dhaafay si aanad u murugoon, hana ka baqan mustqablka si aanad u fashilmin. Guushu mar kasta waa mid fikirkaaga iyo dadaalkaga ku xidhan