Ugu danbaystii Boqorka oo muddo dheer sugayay in mar uun caruur u ayuu wiil u dhashay. Boqorka iyoย wasiiradiisuba aad ayay u farxeen iyadoo hambalyadu is weydaaranaysay.
laakiin waxa nasiib daro noqotay in wiilka u dhashay boqorka uu labada dhegood midkood goโanayd. Boqorka oo aad uga xumaaday ayaa isugu yeedhay wasiiradiisa.
Waxaana uu weydiiyay waxa uu xalku noqonayo mar haddii inankii dhashay ay dhegi ka goโan tahay oo hadhow lagu ceebaynayo?.
Wasiiradiisa mid ka mid ayaa soo jeediyay taladan: โ Waa arin fudud Boqor, waxa aynu samayn doona sebenkan aynu ku jiro ilma kasta oo dhasha waxa aynu jari doona dheg, si ay isu shabahaan kuwa ay isku daโada yihiin โ.ย Soo jeedintaasi ayaa la isku raacay ilaa caado ay noqotay in qof kasta oo dhasha dheg la jaro, mararka qaarkood kana aan dhegta boqortooyadu jarin loo arko inay wax ka maqan yihiin.
Markii toban sano ay ka soo wareegtay oo daโadaasi wada dheg goโan tahay ayuu magaalada yimi wiil labada dhegoodba qaba oo aan laga jarin. Waxa la yaabay caruurtii waxaana ay ugu yeedheen laba dhegoodle.ย Wiilkaasi yar ayaa aad u necebsatay magacaasi oo isna markii danbe dheg iska jaray. Waad fahantay qisada, wax kastaa waa cadaada, waa bulsho wada naafo, caadooyinka xumi waxay lumiyaan wixii saxda aha.