“Akhriska Tolmoon iyo Tamareynta Maskaxeed” Qore Yaasiin Daahir Cumar

0
146

Akhrisku waa mid ka mid ah hababka ugu wanaagsan ee lagu kasbado aqoonta iyo dhiirigelinta naftaada. Akhrisku wuxuu siiyaa aragti badan, taas oo u fiican ballaadhinta maskaxdaada, tixgelinta fursadaha iyo khibradaha waxtarka leh.

Dhanka kale, haddii akhrisku ku raaco ama kuu fududaado waa talaabo wax ku ool ah. Waxaa la yidhaa “Akhristaha wanaagsani”

Akhristaha wanaagsani waa talaqabeen aan ka dhicin maalqabeen, waana qofka si fiican u fahma qoraalka,una qaadaa dhiga. Akhrisku wuxuu firfircooni siiyaa maskaxda iyo burqashada fikirka, akhristaha wanaagsani waxa uu isticmaalaa xeeladdo si uu macnaha qoraalku ugu duxo, dhandhanna ugu yeesho,fahamkiisana u sare qaado.

Isla akhristuhu waa inuu dejiyaa hababka fahamka qaarkood. Akhrisku waxa uu ka caawiyaa la dagaalanka gabowga maskaxda, waxa uu wanaajiyaa xusuusta, dareenka, male-awaalka iyo ku nasasho iyo naf la showrid, si nuxurka qoraalka kuugu duxo, ayaa waxaad u baahan tahay jewi ku haboon akhriska

-Dooro jewi degan.

-fadhiiso meel raaxo leh.

-Waqti u jaangoo si aad wax u akhrido.

-Dooro buug wacan.

-Joogtee akhriska haba yaraadee.

-U akhri si xawaarahaaga faham u kordho.

-Dooro buugaagta aad jeceshahay akhrintooda.

Maxaa lagu gartaa akhristaha wanaagsan?

Waxaa lagu gartaa, inuu ka sheekeyn karayo buugta uu akhriyay isagoo soo koobaya, hoostana ka xariiqaya meelaha u baahan in lays dultaago ama goobaabin galinaya, isagoo fiiro gaar ah siinaya xaqiiqooyinka, fikradaha iyo macnaha saxda ah ee erayadda iyo erey bixinta. Akhristaha wanaagsani, waxa uu akhriyaa: qoraallada, garaafyada, miisaska, tusaalooyinka,iwm.

Akhrisku waa dawaafiye dareen iyo daljire dahsoon ku bara meel aadan weligaa tegin, kuuna sawira xaqiiqda ugu dhaw ee garaadku oggolaan karo.

Qoraa Yaasiin Daahir Cumar