Midowga Yurub ayaa ka qaaday cunaqabateyntii dhaqaale ee saarneyd dalka Suuriya , si ay gacan uga geystaan dib u soo kabashada dalka ay colaaduhu aafeeyeen, waxaa sidaas sheegtay madaxa siyaasadda arrimaha dibadda ee 27-ka dal midowga yurub, Kaja Kalas.
“Waxaan rabnaa inaan ka caawino dadka Suuriya inay dib u dhistaan Suuriya cusub, loo dhan yahay oo nabad ah,” Kalas ayaa ku tidhi barteeda X ka dib kulamo ay wasiirro kula yeelatay Brussels. “Midowga Yurub wuxuu had iyo jeer garab taagnaa reer Suuriya 14-kii sano ee la soo dhaafay – wayna sii wadi doonaan.” Ayey raacisay.
Isbedelkan siyaasadeed ee Midowga Yurub ayaa yimid ka dib markii Maraykanka uu todobaadkii hore ku dhawaaqay in uu cunaqabateynta ka qaadayo Dimishiq.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Suuriya Assad al-Shaibani ayaa u mahadceliyay Midowga Yurub Salaasadii, isaga oo sheegay in go’aankan uu xoojinayo ammaanka iyo xasilloonida Suuriya.
Talaabadan ayaa lagu tilmaamay mid “dhab ahaantii muhiim u ah” horumarka.
“Waxa muuqata Midowga Yurub uu aqoonsan yahay maamulka hadda ka shaqeeya Suuriya, iyo in loo baahan yahay in la sameeyo macaamil maaliyadeed oo dheeraad ah si loogu gogol xaadho abuurista xasilooni maaliyadeed iyo hagaajinta heerka nolosha dadka Suuriya,” ayey tidhi. Cunaqabataynta ayaa la saaray intii uu xilka hayay Al-Asad sannadihii 2012 iyo 2013 waxayna khusaysay gaadiidka, tamarta iyo qaybaha bangiyada.
Hoggaanka cusub ee dalka ayaa ku booriyay reer galbeedka in ay fududeeyaan xannibaadaha si ay Suuriya uga soo kabsato sannado badan oo ay ka jirtay xukun aan naxariis lahayn iyo dagaal sokeeye. Dublamaasiyiinta Midowga Yurub ayaa u sheegay wakaalada wararka ee AFP in heshiisku yahay in cunaqabataynta laga qaado bangiyada Siiriya nidaamka caalamiga ah iyo in la xayiro hantida bangiga dhexe.