Iska horimaadkii India iyo Pakistan ma Shiinaha ayey guul u noqotay?

0
138

 

Iskahorimaadkii afarta maalmood socday ee u dhexeeyay labada dal ee xafiiltanku ka dhexeeyo ee Hindiya iyo Pakistan horaantii bishan ayaa ku dhammaaday xabbad joojin waxaanay labaduba sheegteen guul – waxay se hadda u muuqataa in warshadaha difaaca ee Shiinaha laga yaabo noqdeen kuwo aan la filaynin.

Xiisaddii ugu dambeysay ayaa bilaabatay 7-dii May markii Hindiya ay billowday weerarro ay ku qaadday waxa ay ugu yeedhay “kaabeyaasha argagixisada” gudaha Pakistan taas oo jawaab u ah dilkii arxan darada ahaa ee 26 qof, oo u badnaa dalxiisayaal ay xagjiriinta ku dileen Pahalgam 22-kii Abriil.

Hindiya ayaa lagu soo waramayaa inay adeegsatay diyaaradaheeda Faransiiska iyo Ruushka lagu sameeyo, halka Pakistan ay isticmaashay diyaaradaheeda J-10 iyo J-17, taas oo Islamabad ay la wadaagto Beijing. Labada dalba waxay sheegeen in aanay diyaaradahoodu aanay soo dhaafin xadka, isla markaana ay gantaallo iskaga ridayeen meel fog.

Islamabad ayaa ku andacoonaysa in diyaaradaheeda dagaalka ay soo rideen ugu yaraan lix diyaaradood oo laga leeyahay dalka Hindiya, oo ay ku jiraan diyaaradaha dagaalka ee Rafale oo dhawaan uu Faransiisku soo iibsaday. Delhi kama aanay jawaabin sheegashadan.

“Khasaaraha waa qayb ka mid ah dagaalka”, ayey tidhi  Air Marshal AK Bharti oo ka tirsan Ciidanka Cirka ee Hindiya (IAF) ka dib markii usbuucii hore uu wariye weydiiyay wax ku saabsan sheegashadan. Air Marshal Bharti ayaa diiday inay ka hadasho sheegashada gaarka ah ee Pakistan ay ku soo riday diyaarado India laga leeyahay.

“Waan gaadhnay ujeedooyinkii aan dooranay, dhammaan duuliyayaashiiyaduna waxay ku soo laabteen dalkooda,” ayuu raaciyay.

Hindiya ayaa sheegtay in ay dishay ugu yaraan “100 argagixiso” xilli ay beegsanaysay xarumaha la mamnuucay ee Lashkar-e-Taiba iyo Jaish-e-Mohammed ee saldhigoodu yahay Pakistan.

Weli lama hayo xog dhab ah oo ku saabsan wixii ka dhacay dagaalka hawada sare. Warbaahinta qaar ayaa sheegay in  ay diyaarado isku mar ku burbureen gobolka Punjab iyo Kashmiirta ay Hindiya maamusho balse dowladda Hindiya ayaan wax jawaab ah ka bixin wararkaas.

Warbixin ay daabacday wakaaladda wararka ee Reuters oo soo xiganeysa saraakiil Maraykan ah ayaa lagu sheegay in ay suurtagal tahay in Pakistan ay u adeegsatay diyaaradda J-10 ee Shiinaha lagu sameeyo si ay gantaalada hawada uga riddo diyaaradaha dagaalka Hindiya. Pakistan oo sheeganaysa guul ka dib markii nidaamka hubka Shiinaha ee ay sida weyn ugu tiirsan tahay uu qayb firfircoon ka qaatay dagaalkii. Khubarada qaar ayaa u arka inay Pakistan kor u qaadayso warshadaha difaaca ee Beijing halka qaar khubarada ka mid ahina ay raacsan yihiin sheegashada.

Qaar ka mid ah khubarada ayaa arrintan ugu yeeray “DeepSeek moment” ee warshadaha hubka ee Shiinaha, iyaga oo tixraacaya Janaayo sanadkan markii Shiinaha AI uu bilaabay inuu gilgilo shirkadaha waaweyn ee Maraykanka iyada oo la adeegsanayo tignoolajiyada qaaliga ah.

“Dagaalka hawada sare waxa uu xayaysiis weyn u ahaa warshadaha hubka ee Shiinaha. Ilaa hadda, Shiinuhu ma helin fursad uu ku tijaabiyo goobahooda dagaalka hadda ka hor,” Zhou Bo, oo ah kornayl sare oo hawlgab ah oo ka tirsan ciidanka xoraynta Shiinaha ayaa u sheegay BBC.

Falanqeeyaha fadhigiisu yahay Beijing wuxuu sheegay in natiijadii duullimaadyada hawada ay muujinayso in Shiinihii is muujiyey. Saamiyada shirkadda Shiinaha ee Avic Chengdu Aircraft, oo soo saarta diyaaradaha dagaalka sida J-10, ayaa kor u kacday ilaa boqolkiiba 40% usbuucii hore ka dib markii la sheegay waxqabadka diyaaradda dagaalka Shiinaha ee dagaalka India iyo Pakistan.

Khubarada kale, si kastaba ha ahaatee, waxay dareemayaan inay goor hore tahay in lagu dhawaaqo sareynta nidaamyada hubka Shiinaha.

Waxa la waayey diyaaradihii dagaalka ee Hindiya- IAF(Indian Air force) waxa loo malaynayaa in ay duuli kari waayeen, waayo diyaaradaha J-10 waxay sii joogeen Hawada.

Arrimahaas IAF kamay bixin tafaasiil ku saabsan howlgalka ama istaraatiijiyadeeda howlgallada hawada. Beijing ayaa sidoo kale wax hadal ah ka soo saarin wararka sheegaya in J-10 ay soo rideen diyaaradaha dagaalka ee Hindiya, oo uu ku jiro Rafale.

Pakistan waxay xulafo istiraatiiji ah iyo mid dhaqaale la tahay Shiinaha,. Waxay maalgelinaysaa in ka badan $50bn (£37bn) si ay u dhisto kaabayaasha Pakistan taas oo qayb ka ah marinkeeda dhaqaalaha Shiinaha iyo Pakistan.

Sidaa awgeed, Pakistan daciif ah Shiinaha dani uguma jirto.

Arrinta kale ee jirta waxqabadka diyaaradaha Shiinaha ee dagaalkii si weyn ayaa loogu falanqeeyay caasimadaha reer galbeedka sababta oo ah saameyn weyn ku yeelan doonto ganacsiga hubka ee caalamka. Maraykanka ayaa ah kan ugu badan ee dhoofiya hubka, halka Shiinaha uu yahay dalka afaraad.

Arrin kale oo xusid mudan ayaa ah in aanay ahayn markii ugu horreysay oo Hindiya ay diyaarado laga soo rido. Sannadkii 2019-kii, intii lagu guda jiray dagaal kooban oo dhexmaray labada dhinac kadib weerarro noocan oo kale ah oo ay diyaaradaha Hindiya ku qaadeen bartilmaameedyo argagixiso oo Pakistan ah, diyaarad nooceedu yahay MiG-21 oo Ruushku sameeyay ayaa lagu soo riday gudaha dhulka Pakistan, duuliyihiina waa la qabtay. Maalmo ka dib ayaa la sii daayay.

Si kasta oo dagaalkaasi u dhacay, hadda warshadaha difaaca ee Shiinaha ayaa u muuqda in hadal hayntu xagooda tahay ka dib sheegashada guusha mid ka mid ah diyaaradahooda dagaalka Hindiya iyo Pakistan. Sidoo kale nidaamkii hubka reer galbeedka oo warkiisii hoos loo dhigay ayaa farxad iyo rayn rayn ka kicisay baraha bulshada ee Shiinaha.