Xoghayaha Arimaha Dibada ee UK David Lammy ayaa hakiyay wadahadaladii ganacsi ee uu la lahaa Israel, iyada oo dowlada dalkaasi ay u yeedhay safiir Isreal oo ay kala hadlayso balaadhinta howlgalka Israel ee Gaza.
Ciidamada Israa’iil ayaa duqeymo ka geystay Gaza, iyaga oo dilay in ka badan 70 qof tan iyo saqdii dhexe ee habeen hore, oo uu ku jiro weerar lagu qaaday hoyga barakaca ee magaalada Gaza oo ay ku dhinteen 22, oo ay ku jiraan carruur.
Hogaamiyayaasha Kanada, Faransiiska iyo UK ayaa ku hanjabay inay ” tallaabo la taaban karo ” ka qaadi doonaan Israa’iil haddii ay joojin waydo duullaanka ka soo cusboonaaday Gaza, halka 22 waddan ay Israa’iil ku boorrinayaan inay u oggolaato gargaarka gobolka go’doonsan.
Dagaalka Israaโiil ee Qaza waxa ku dhintay ugu yaraan 53,573 falastiiniyiin ah, waxaana ku dhaawacmay 121,688, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Gaza. Xafiiska Warbaahinta Dowladda ayaa tirada dhimashadu ka badan tahay 61,700, iyadoo sheegtay in kumannaan qof oo lagu laโyahay burburka hoostiisa loo maleynayo inay dhinteen.
Qiyaastii 1,139 qof ayaa lagu dilay Israaโiil intii lagu guda jiray weerarradii ay Xamaas hoggaaminaysay bishii Oktoobar 7, 2023, in ka badan 200 oo qofna waa la qafaashay.