400 oo Qof oo Rohingya ah oo ku dhintay Maraakiib ku Degay Xeebaha Dalka Myanmar

0
189

 

Ugu yaraan 427 Rohingya , Muslimiinta laga tirada badan yahay ee Myanmar, ayaa loo badinayaa in ay ku dhinteen badda laba doonyood oo ku burburay 9 iyo 10-kii May, Qaramada Midoobay ayaa sheegtay, taas oo noqon doonta dhacdo kale oo dil ah oo loo geystay kooxdan la silciyo.

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga (UNHCR) ayaa bayaan ay soo saartay Jimcihii ku sheegtay in – haddii la xaqiijiyo – labada dhacdo ay noqon doonaan “masiibadii ugu dhimashada badneyd ee badda ka dhacda” oo ay ku lug leeyihiin qaxootiga Rohingya.

“Hay’adda qaxootiga ee Qaramada Midoobay waxay aad uga walaacsan tahay warka sheegaya in laba masiibo oo doomo ay ku dhinteen xeebaha Myanmar horraantii bishan,” ayaa lagu yidhi bayaanka UNHCR, iyada oo intaas ku dartay inay weli ka shaqeynayso sidii loo xaqiijin lahaa xaaladaha dhabta ah ee ku xeeran burburka markabka.

Sida ay wakaaladdu sheegtay, xogta hordhaca ah ee la helay ayaa sheegaysa in dooni ay saarnaayeen 267 qof ay degtay 9-kii bishan May, iyada oo ay ka badbaadeen 66 qof oo keliya, halka markab labaad oo ay saarnaayeen 247 qof oo Rohingya ah uu dagtay 10-kii May, iyada oo 21 qof oo kaliya ay ka badbaadeen.

Rohinga saarnaa markabka ayaa ka baxayay xeryaha qaxootiga ee Cox’s Bazar ee Bangladesh ama waxa laga yaabaa in ay yihiin kuwo ka soo cararayey gobolka Rakhine ee galbeedka Myanmar, ayaa lagu yidhi bayaanka.

Rohingaha Lagu silciyo Myanmar ayaa mudo labaatan sano ah naftooda biimeeynayey sannad kasta si ay uga cararaan cadaadiska iyo dagaallada sokeeye ee dalkooda ka socda, inta badan waxay badda ku raacaan doomo macmal ah.

Qoraal uu soo dhigay X, Madaxa Sare ee UNHCR Filippo Grandi ayaa sheegay in wararka ku saabsan masiibada laba jibaaran ay tahay “xusuusinta xaaladda quusta ah” ee Rohingya “iyo dhibaatada ay la kulmaan qaxootiga Bangladesh iyada oo gargaarka bini’aadanimo uu sii yaraanayo”.

Sannadkii 2017-kii, in ka badan hal milyan oo Rohingya ah ayaa u qaxay dalka deriska la ah ee Bangaladesh oo ay ka yimaadeen gobolka Rakhine ee Myanmar ka dib markii ay si ba’an ula dagaallameen ciidammada Myanmar.

Ugu yaraan 180,000 oo ka mid ah dadkii qaxay ayaa hadda wajahaya in dib loogu celiyo Myanmar halka kuwa ku haray Rakhine ay la soo derseen xaalado daran oo ku xiran xeryaha qaxootiga.

2024, ilaa 657 Rohingya ayaa ku dhintay biyaha gobolka, sida ay sheegtay UNHCR.

Hay’adaha gargaarka bini’aadantinimo ayaa si weyn u saameeyay dhaqaale dhimistii ay ka heli jireen deeq bixiyayaasha ugu waaweyn ee ay hormuudka ka yihiin maamulka Maraykanka ee madaxweyne Donald Trump iyo dalalka kale ee reer galbeedka, maadaama ay mudnaanta siinayaan kharashaadka difaaca oo ay keentay cabsida sii kordhaysa ee Ruushka iyo Shiinaha.

UNHCR ayaa raadineysa taageero dhaqaale si ay u xasiliso nolosha qaxootiga Rohingya ee ku sugan dalalka ay martida u yihiin oo ay ku jirto Bangladesh iyo kuwa ku barakacay gudaha Myanmar.

Codsigeeda $383m ee taageerada sanadka 2025 ayaa hadda la maalgeliyay boqolkiiba 30 kaliya, ayay tiri hay’addu.