Duqeymo ay Israa’iil geysatay ayaa lagu dilay ku dhawaad dhammaan carruurta qoys dhaqtar ah oo ka hawl gasha Cisbitaal ku yaal Khan Younis. Weerarada ayaa Isreal geysatay xilli ay dhakhtarada Alaa al-Najjar shaqada ku jirtay, sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka ee Gaza.
Weerarku waxa uu dahcay Jimcihii wuxuuna ku dhacay guriga Alaa al-Najjar, oo ah dhakhtarad carruurta ah oo ku sugan cisbitaalka Naasir ee koonfurta magaalada, weerarka cirka ayaa dab qabadsiiyey guriga waxaana ku dhintay sagaal ka mid ah 10 carruur ah oo ay dhashay, sida uu sheegay madaxa qaybta carruurta ee cusbitaalka, Ahmad al-Farra.
Carruurta dhimatay oo laba ka mid ah ay ku hoos jiraan burburka, ayaa da’doodu u dhaxaysaa toddobo bilood ilaa 12 jir, sida ay sheegtay xafiiska warbaahinta dawladda ee Gaza. Waxay magacyadoodu kala yihiin: Sidar, Luqman, Sadin, Reval, Ruslan, Jubran, Eve, Rakan iyo Yahya.
Ninka qaba Al-Najjar oo isna dhakhtar ah ayaa si xun ugu dhaawacmay weerarka. Waxa uu qabaa dhaawacyo aad u daran oo feedhaha iyo madaxa ah, oo ay ku jiraan lafo jaban, waxaana hadda lagu daweynayaa qaybta daryeelka degdega ah ee Cusbitaalka Naasir, sida Ahmed Al-farra uu u sheegay warbaahinta.
Ilmaha kaliya ee u badbaaday lamaanahan, ayaa ah Adam oo 11 jir ah, inkasta oo uu isaguna si xun u dhaawacmay. Hadda waxa uu “waaxda ICU ee dhexdhexaadka ah kula jira hooyadii”, ayuu yidhi al-Farra.
“Waa wax aan la rumaysan karin,” al-Farra ayaa yidhi isaga oo ka hadlaya saameynta weerarka. “Ma qiyaasi kartid naxdinta ku dhacday [al-Najjar] markii ay maqashay weerarkaas. Laakiin ilaa hadda, waxay isku dayaysaa inay u dhawaato wiilkeeda iyo ninkeeda si ay u noolaato.”
Waxa uu ugu baaqay dadka caalamka in ay “dhinaca saxda ah ee bini’aadantinimada la taagan yihiin” oo ay ka hadlaan duqeynta. “Carruurtan, cod ma leh, hooyadood… way argagaxsan tahay,” ayuu yidhi. “Fadlan, waxaan waydiisanayaa qof walba inuu noqdo codkeeda [adduunyada]. Fadlan.”
Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan dhulka falastiiniyiinta, Francesca Albanese, ayaa dhaleecaysay weerarka lagu qaaday guriga al-Najjar oo qayb ka ah “qaabka murugada leh” ee “wejiga cusub ee xasuuqa” ee wajahaya falastiiniyiinta dhulka go’doonsan.
Xamaas waxa ay sheegtay in ay raacday hab-dhaqameedka Israa’iil “si ula kac ah u beegsanayso … shaqaalaha caafimaadka, rayidka iyo qoysaskooda si ay isku dayaan in ay jebiyaan rabitaankooda”.
Isniintii, Israa’iil waxay soo saartay amarro qasab ah oo lagu rarayo Khan Younis, oo ah magaalada labaad ee ugu weyn Gaza, taas oo ka digaysa “weerar aan horay loo arag”. Duqeymo culus oo dhimasho iyo dhaawac leh ayaa maalin walba ka dhacayay deegaankaasi.
Carruurta al-Najjar ayaa ka mid ahaa tobannaan qof oo lagu dilay weerarradii Israa’iil ee Jimcihii iyo Sabtidii. Sida laga soo xigtay wasaaradda caafimaadka ee Gaza, meydadka 79 qof oo lagu dilay weerarrada Israel ayaa la keenay isbitaallada intii u dhaxeysay Jimcihii iyo duhurnimadii Sabtida. Tiradaas kuma jiraan tas-hiilaadka ku yaal woqooyiga deegaanka oo aan la geli karin, ayay tidhi.
Wasaaraddu waxay tirada guud ee dhimashada Gaza ku sheegtay ilaa Oktoobar 2023 53,901, iyadoo 122,593 ay ku dhaawacmeen.