Ruushka iyo Ukraine ayaa mar kale ku guul daraystay inay ku heshiiyaan xabbad joojin

0
101

Wareegii labaad ee wadahadal nabadeed oo toos ah oo u dhaxeeyay Ruushka iyo Ukraine ayaa ku dhamaaday iyada oo aan wax guul ah laga gaadhin xabad joojin, waxaana kaliya lagu heshiiyey in la isku dhaafsado is dhaafsiga maxaabiista.

Wada xaajoodayaasha Ukraine ayaa sheegay in Ruushku uu mar kale diiday “xabad joojin shuruud la’aan ah” – oo ah dalabka muhiimka ah ee Kyiv, xulafadeeda Yurub iyo Maraykanka – laakiin labaduba waxay go’aansadeen inay soo celiyaan meydadka 12,000 oo askari.

Kooxda Ruushku waxay sheegeen inay soo jeediyeen xabbad-joojin laba ama saddex maalmood ah oo ku meelo gaadh ah oo laga sameeyo meelo ka mid ah ah jiidda hore ee ballaadhan, laakiin ma aaanay ka bixin faahfaahin dheeraad ah.

Wadahadalladii Isniintii ka dhacay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga oo qaatay wax ka badan saacad, ayaa labada dhinac waxay ku heshiiyeen in la is dhaafsado dhammaan maxaabiista xanuunsan iyo kuwa aadka u dhaawacmay iyo sidoo kale kuwa da’doodu ka yar tahay 25 sano jir.

Rajadu way yarayd xitaa ka hor intaanay bilaabmin wadahadalka, iyada oo labada dhinac ay si qoto dheer ugu kala qaybsameen sidii loo soo afjari lahaa dagaal socday tan iyo markii Ruushku bilaabay duulaanka buuxa ee Ukraine bishii Febraayo 2022.

Moscow waxay hadda maamushaa qiyaastii 20% dhulka  Ukraine oo ay ku jiraan jasiiradda koonfureed ee Crimea oo ay la wareegtay 2014-kii.

Isaga oo ka hadlayay warbixin kooban kulanka kadib, wasiirka difaaca Ukraine Rustem Umerov, oo hogaaminayay kooxda wada xaajoodka ee Kyiv, ayaa sheegay in Ukraine ay ku adkeysaneyso “xabad joojin buuxda oo shuruud la’aan ah” ugu yaraan 30 maalmood dhulka, badda iyo hawada si loo soo afjaro dilalka hadda.

Waxa uu sheegay in Ukraine ay ku wareejisay Ruushka hindisaheeda xabbad joojinta “maalmo ka hor” – laakiin Moscow way ku guuldareysatay inay sidaas oo kale sameyso, iyada oo soo bandhigtay qorshaheeda kaliya wadahadalka Istanbul.

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa ka jawaabay soo jeedinta Ruushka ee xabbad joojin ku meel gaadh ah si loo ururiyo meydadka.

“Waxaan u maleynayaa doqoniimo, sababta oo ah dhammaan qodobbada xabbad-joojinta waa in la joojiyo dadku inay dhintaan,” ayuu ku soo qoray barta bulshada, X.

Qoraallada labada hindise xabbad-joojin ee Ruushka iyo Ukraine si rasmi ah looma shaacin.

Si kastaba ha ahaatee, warbaahinta dowladda Ruushka ayaa daabacday wax ay ku sheegeen inay yihiin qodobbo muhiim u ah mowqifka Moscow ka dib markii wadahadallada la soo gabagabeeyay. Kuwaas waxaa ka mid ah dalabaadka aan isbeddelin ee ka bixitaanka millatariga Ukraine ee afarta gobol ee ay qayb ahaan qabsadeen ee koonfur-bari.

Sidoo kale Ruushku waxa uu dalbanayaa in la aqoonsado gobollada Donetsk, Luhansk, Kherson iyo Zaporizhzhia ee Ukraine ay ka mid yihiin Ruushka, iyo sidoo kale gobolka Crimea hore loo qabsaday.

Shuruudaha kale waxaa ka mid ah in Ukraine laga mamnuuco ka mid ahaanshaheeda isbaheysi kasta oo militari, in la xaddido tirada ciidamada Ukraine, luqadda Ruushka laga dhigo luqad rasmi ah, iyo in laga qaado cunaqabateynta caalamiga ah ee saaran Ruushka.

Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Ukraine Serhiy Kyslytsia ayaa sheegay in Ruushka uu diiday xabad joojinta shuruud la’aanta ah. Ukraine ayaa sidoo kale ku wareejisay liiska boqolaal carruur ah oo Kyiv uu sheegay in si xoog ah loogu qaaday Ruushka.

Waxa jira wada hadallo toos ah oo dhexmara Zelensky iyo Ruushka Vladimir Putin. Balse ilaa hadda ma muuqato wax horumar ah oo laga gaadhay kulan dhex mara labada madaxweyne.