Qore C/wahaab Daahir Xasan
Hargaysa (Dawan) Xildhibaan Cabdikariim Maxamed Muxumed oo ka mid ah Mudaneyaasha golaha wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland oo warbaahinta shalay kula hadlay caasimadda Hargaysa ayaa ka warbixiyey mashruuca tayeynta iyo ballaadhinta korontada ee magaalooyinka Berbera iyo Boorama.
Mashaariicdan lagu horumarinayo adeegyada iyo tayada korontada labadan magaalo oo ah mashaariic uu Baanka adduunku maalgelinayo, ayaa xildhibaanku iftiimiyey sida ugu wanaagsan ee Somaliland uga faa,iidaysan karto lacagaha ku baxaya iyo sidoo kale meelaha uu gelayo oo ah labada magaalo ee Boorama iyo Berbera.
Magaalada Berbera ayaa ah magaalo xeebeed aad u kulul gaar ahaan wakhtiyada xagaaga isla markaana ay ku nool yihiin dad dan yar ah oo aan qaadi karayn laydhka qaaliga ah lagama maarmaana ay tahay in ay helaan koranto jaban, oo laysku halayn karo.
Berbera ayaa ayaa ah wakhti xaadirkan xudunta iyo isha dhaqaale ee ugu wayn Somaliland, iyadoo horaantii sanadkan madaxwaynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Ciro safar uu ku tagay magaalada Berbera waxa uu halkaas ka soo dhagax dhigay dhawr mashruuc oo uu ka mid yahay mashruuca koranto balaadhinta iyo hirgalintiisana ay ku baxayso lacag dhan 20Milyan oo Doller oo uu maalgalinayo Baanka Aduunku.
Xildhibaan Cabdikariim Maxamed Muxumed ayaa soo jeediyey in xilwayn layska saaro sidii xal loogu heli lahaa Tiirarka ay maraan xadhkaha dabka magaalada Berbera waxanu sheegay in wakhtiyada xagaaga oo magaalada ay kadhacaan dabaylo aad u wayni ay ridaan tiirarkaas oo ah qaar muddo jiray haatana aan u adkaysan karayn dabaylaha xagaaga.
Xildhibaanka oo ka hadlaya xaaladaha ku gadaaman isla markaana ay dheer tahay magaalooyinka kale ee dalka ayaa, yidhi”Maadaama 7megawat oo Soler ah oo Imaaraad ku bixiyey hore loogu caawiyey, 1megawaat oo Soler ah ingiriisku bixiyey 2 megaa hawat na oo Ingiriisku bixiyey in qaybta Solerta iyo Baytariyada lagalinayo qayb ka mid ah Line ka lagu hagaajiyo ayaa xalka laydhka magaalada Berbera ku jiraa”
Waxa kale oo uu Xildhibaan Cabdikariim intaas ku daray” Dadka magaalada Berbera waxa ay la dhibaatoonayaan laydhka oo ka tegaya wakhtiyada xagaaga ee kulaylaha iyada oo ay sabab u yihiin ciladahaa aan soo sheegnay, maadaama ay magaaladu xuddun u tahay dhaqalaha Somalilalnd waxa lagama maarmaan ah in ay magaalaedu hesho laydh jaban oo laysku halayn karo”.
Waxa uu caddeeyey xildhibaanku kulaylka magaalada ee aadka u sarreeyaa gaar gaar ahaan wakhiga lagu guda jiro xiliyada kulaylaha ee xagaaga oo heer kulku gaadho wakhtiyada qaar illaa 45 digrii ay keento isticmaal badan oo dhinaca korantada ah saamaynta ka dhalataana ay noqoto in shirkaduhu soo dalacaan qiima lacageed oo aad u badan isla markaana aanay awoodin shacabku in ay iska bixiyaan isla markaana noqonaysa culays dhaqaale oo dadka reer Berbera Saaran.
Geesta kale xildhibaanka ayaa waxa uu ka hadlay mashruuca koranta siinta ee magaalada Boorama oo uu maalgalinayo Baanka aduunku ay ka hashay qoondo lacageed oo gaadhaysa 10Milyan oo Doller isla markaana manta qiimaha halkii Unit yahay 73cent isla markaana marka mashruucani dhamaado la doonayo in hoos u dhac koronto ay timaad iyo sidoo kale koronto laysku halayn karo.
Xildhibaan Cabdikariim ayaa usoo jeediyey xukuumad iyo Haayadaha kale oo ku shaqada leh in ay ka war hayaan shirkadaha bixiya adeega laydhka sidii ay aanay u imaan lahayn marka uu dhamaado mashruuco mudo kooban ka dib in ay ku celiyaan qiimihii hore ay shacabka laga qaadi jiray.
”Qiimaha Korantada Boorama maanta waxa uu marayaa 73cent, marka uu mashruucu dhamaado waa in hoos looga dhigo, oo xukuumada iyo haayadaha ku shaqadalihi kula xisaabtamaan shirkadaha, Mashruucani markuu dhamaado hadii halkii lagu celiyo maaha waxtar, Berebra waa in uu ka muuqdaa 20ka Milyan, Boorama na waa in ay ka muuqdaan 10ka Malyan”Xildhibaan Cabdikariin Maxamed Muxumed ayaa sidaas yidhi.