Shirka Isku Duwidda Hawlaha Gargaarka ee Gobolka Saraar iyo Qodobadii ka soo Baxay

0
85

Qore Faysal Xiis Afgaab

Caynaba(Dawan):_Guddoomiyaha gobolka Saraar Axmed Cabdilaahi Maxamed,ayaa ka war bixiyay shir muhiim ah oo ay yeesheen dhammaan madaxda laamaha dawladda ee heer gobol oo uu shir guddoomiynayay Guddoomiyaha Gobolka Saraar

Guddoomiyaha Gobolka Saraar, Axmed Cabdilaahi Maxamed ayaa sheegay in shirk uku saabsanaa isku duwida hawlaha gargaarka aadaminimo ee hay’adduhu gobolka ka qabanayaan iyo isku xidhnaanta laamaha dawladda iyo shaqooyinka la qabanayaa in ay noqdaan kuwo waara oo waxtar u leh bulshada.

Guddoomiyah oo waraysi kooban Khadka taleefanka ku siiyay wargeyska Dawan,ayaa sheegay in muhiimada shirku ay ahayd isku duwidda gargaarka aadaminimo ee hay’aduhu gobolka ka qabtaan iyo sila xisaabtanka laamaha dawladda ee heer gobol.

Waxaana la isku raacay in la joogteeyo wada shaqaynta iyo isku xidhnaanta laamaha dawladda,ka midho dhalinta shaqooyinka bulshada loo hayo ee madaxda laamaha dawladda loo igmaday iyo in waxyaabaha la qaanayaa ay noqdaan wax bulshada waxtar u leh oo waara.

Waxaanu intaa raaciyay in la isku qaatay shirka in waxa hay’aduhu ay gobolka ka qabanayaan in uu noqdo wax dawladda dhexe iyo madaxda heer gobolba ogtahay oo gobolka baahidiisa ka turjumaya isla markaana wax tar u leh bulsahda iyo gobolkaba.

Waxaanu intaa raaciyay in loo baahan yahay in adeegyada bulshada loo qabanayo ay mudnaanka koobaad siinayaan in ay noqdaan kuwo bulshada horumarkooda iyo waxtarkooda ku habboon oo goolku u baahan yahay.

Waxaanu ku adkeeyay hay’adaha iyo ururada aan dawliga ahayn ee arrimaba bulshada ka shaqeeya in ay soo gudbiyaan shaqooyinka ay gobolka ka qabanaan.