Safiirka JSL ee Dalka Jabuuti oo soo Kormeeray Xaaladda Isku socodka ee Lawyo-Cado

0
91

C/wahaab Daahir Xasan.

Lowyo-cado (Dawan) Safiirka Somaliland u fadhiya dal jabuuti danjire Cabdifataax Siciid Axmed ayaa shalay kormeer shaqo ku tagay magaala xuduudeedka Lawyo-cado ee u dhaxaysa Somaliland iyo Jabuurti, halkaasi oo wakhtiyada xagaaga shacab badan oo reer Jabuuti ahi u soo xagaa baxaan dhinaca Somaliland gaar ahaan magaalooyinka Boorama, Gebilay iyo Hargaysa iyagoo ka soo gudba xadka magaalada Lawyo-cado ee u dhaxaysa labada wadan.

Kormeerka Safiirka ayaa waxa ku wehelinayey agaasimaha guud ee Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland Cabdilaahi Maxamed Maxamuud Jiidhe, waxana halkaasi ku soo dhaweeyey Taliyaha Ciidanka laanta Socdaalka ee magaalo xuduudeedka Lawyo- gudoomiye ku xigeenka gobolka Selel Cismaan Nuur Aare, maamulka wasaaradda maaliyada ee Lawyo-cado, iyo masuuliyiin ka mid ah laamaha amaanka Somaliland Lawyo-cado.

Ujeedada kormeerka Cabdifataax Siciid Axmed ayaa daaranaa xogogaal u noqshada xaalada dadka iskaga kala gudbaya xuduudka Soamliland iyo Jabuuti oo xiligan xagaaga ah mid aad u mashquul badan soona buux dhaafiyaan qoysas aad u tira badan ee ka soo baxaya kulayl ka magaalada jabuuti ee xagaaga iyagoo wakhtiga lagu jiro kulaylaha ama xagaaga ku qaata magaalooyin kala duwan oo somaliland ku yaal.

Masuuliyiintii kala duwanayd ee Safiirka Lawyo-cado ku so dhaweeyey ayaa sheegay in isu socodka shacabku u socdo si nabad galyo ah waxana ay intaaasi ku in marka la barbar dhigo sanad kan shacabka ka soo gudbaya xuduudka ee Soo galaya Somaliland ay aad uga tiro badan yihiin sanadihii hore.