Taiwan iyo Somaliland: Qaadhaan $2.5 Milyan ah oo lagu Bixinayo Arrimaha Bini’aadmimadda

0
102

 

Hargeysa (Dawan)- Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Md. Cabdilaahi Xasan Aadan ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dawladda Taiwan u fadhiya Somaliland.

Safiirka Dawladda Taiwan Md. Allen C. Lou ayaa uga mahadceliyey Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland gaar ahaan Wasaaradda Maaliyadda wadashaqaynta wanaagsan ee ka dhaxaysa, sidoo kale Safiirka ayaa xusay sida ay Dawladda Taiwan uga go’antahay taageeradda iyo wadashaqaynta Jamhuuriyadda Somaliland iyo siday ugu faraxsanyihiin xidhiidhka wadashaqyneed ee ka dhaxeeya Labada Dawladood.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Md. Cabdillahi ayaa dhankiisa Dawladda Taiwan iyo Safaaraddeeda Magaalada Hargeisa uga mahadceliyey taageerada baaxada leh ee ay la garab taagantahay shacabka Somaliland, sidoo kale Wasiirka ayaa uga mahadceliyey safiirka Dawladda Taiwan mashaariicda horumarineed ee ay ka mid yihiiin; deeqaha waxbarasho , qalabka caafimaad, dhismaha Cisbitaalka Hargeysa, taageerada dhaqaale ee Doorashooyinkii qabsoomay 2024, dhismaha kaabayaasha dhaqaale ee ay ka mid tahay dhismaha Wadada Madaarka Hargeysa.

Safiirka Taiwan Md Allen ayaa ku wareejiyey Wasiirka Maaliyadda qaadhaan lacageed oo dhan laba milyan iyo shan boqol dollar $2.5M oo ay Dawladda Taiwan ugu talo gashay in ay kaga qayb qaadato waxtarka iyo gargaarka hawlaha bani’aadan-tinimo ee Somaliland.