Wasaaradda Caafimaadka iyo Guddida Arrimaha bulshada oo kulan ka yeesha xeerka Guud ee Caafimaadka

0
277

Barnaamijka caafimaadka Wargeyska Dawan waa mid inta badan aynu ku soo gudbino arrimaha la xidhiidha caafimaadka bulshada iyo xogaha caafimaad ee muhiimada gaarka ah u leh bulshada, sidoo kale barnaamijka waxa aynu ku wacyigalinaa bulshada si ay ugu dedaalaan caafimaadkooda.

Waa qoromo todobaadle ah oo aynu ku kala qaadano arrimo caafimaadka bulshada wax ka badelaya ama ugu yaraan wax u taraya, sidoo kale waxa ku soo gudbiyaan qaababka iyo wax kasta oo caafimaadka qofka dan u ah ama uu ku wanaajin karo.

Todobaadkan xubinteena koowaad waxa aynu ku soo qaadanaynaa wasaaradda caafimaadka iyo guddida arrimaha bulshada oo kullan balaadhan oo lagu gorfaynayo, isla markaana ay qaybtooda ka qaadanayaan aqoonyahanka iyo bulshadu xeerka guud ee caafimaadka Somaliland ku qantey Boorama.

Xeerka caafimaadka ayaa ah mid saamayn ku leh guud ahaan caafimaadka dalka, waana xeer muhiim u ah dalka oo loo baahan yahay in la saxar tiro, si uu u noqdo mid waxtar waara u leh bulshada Somaliland.

Haddaba Wafti heer sare ah oo ka socda wasaaradda horumarinta Caafimaadka Somaliland iyo Guddida Arrimaha Bulshada ee Golaha Wakiillada ayaa maanta safar shaqo ku tagay magaalada Borama ee gobolka Awdal. Waftigan oo ay hoggaaminaysay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka, oo ay weheliyaan Agaasimaha Guud ee Wasaaradda iyo xubno ka tirsan guddida arrimaha bulshada ee Baarlamaanka, ayaa ujeeddadoodu ahayd wadatashi qaran oo la xidhiidha xeerka cusub ee caafimaadka.

 

Markii ay waftigu gaadheen magaalada Borama, waxa si diirran ugu soo dhaweeyay masuuliyiinta gobolka Intaa kaddib, waxaa si rasmi ah loo bilaabay kulammo wadatashi ah oo lala yeeshay dhammaan daneeyayaasha caafimaadka ee gobolka Awdal. Kulamadan ayaa diiradda lagu saarayay sidii loo dardargelin lahaa qoraalka iyo ansixinta xeerka caafimaadka qaranka, oo ay hadda wadaan Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka iyo Guddida Arrimaha Bulshada ee Baarlamaanka.

 

Waftiga ayaa sidoo kale booqday Jaamacadda Camuud, halkaas oo ay kulan muhiim ah kula yeesheen qeybaha kala duwan ee bulshada, gaar ahaan aqoonyahanno, khubaro caafimaad, iyo ardayda qaybta caafimaadka. Waxaa si weyn looga dooday waxyaabaha muhiimka ah ee lagu dari karo xeerka caafimaadka qaranka, iyadoo la tixgelinayo baahiyaha gaarka ah ee dalka, talooyinka khubarada, iyo waayo-aragnimada dadka deegaanka.

 

Dhakhaatiirta gobolka Awdal – gaar ahaan kuwa ka shaqeeya Cisbitaallada gaarka loo leeyahay – ayaa iyaguna si toos ah ula kulmay waftiga, iyaga oo soo bandhigay aragtiyo muhiim ah oo la xidhiidha horumarinta adeegyada caafimaadka, tayeynta sharciga iyo sidii xeerku u noqon lahaa mid wax-ku-ool ah oo u adeegaya danaha bulshada.

 

Kulamadan wadatashiga ah ayaa ahaa kuwo si hufan u dhacay, waxaana kasoo baxay talooyin qiimo leh oo lagu darayo qoraalka xeerka caafimaadka. Dhakhaatiirta, aqoonyahannada, iyo ururrada ka shaqeeya caafimaadka ee gobolka Awdal ayaa muujiyey taageeradooda ku aaddan hirgelinta xeerkan, iyagoo ku baaqay in la helo sharci casri ah oo u hoggaansan baahiyaha dhabta ah ee bulshada reer Somaliland.

Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka iyo Guddida Arrimaha Bulshada waxay mar labaad ku celinayaan muhiimadda ay leedahay in dhammaan gobollada dalka laga helo talo iyo aragti si xeerka caafimaadku u noqdo mid ka tarjumaya baahiyaha dhabta ah ee ummadda reer Somaliland.