Qore Axmed M. Saleebaan
Hargeysa (Dawan)- Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa dedaal muuqda ku bixisay sidii xal waara loogu heli lahaa kor u kaca qiimaha shidaalka iyo laydhka, arrintaas oo ah mid si toos ah u saamaynaysa nolosha shacabka iyo koboca dhaqaalaha dalka.
Kulankii heerka sare ahaa ee dhawaan ka qabsoomay xarunta Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska wuxuu ahaa madal muhiim ah oo lagu falanqeeyey sababaha iyo xalalka korodhka qiimaha adeegyada tamarta ee dalka.
Kulankan oo ay ka soo qayb galeen Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha ,Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta, Wasiirka Wasaaradda Maalgashiga iyo Horumarinta Warshadaha, Komishanka Tamarta Somaliland, Maareeyaha Haamaha Kaydka Shidaalka ee Berbera, wuxuu ka dhashay dareen dhab ah oo ka yimid xukuumadda, taas oo doonaysa inay wax ka qabato cabashooyinka isa soo taraya ee la xidhiidha qiimaha sare ee laydhka iyo shidaalka.
Waxaa si gaar ah diiradda loo saaray baahida loo qabo helitaanka shidaal jaban oo ay heli karaan shirkadaha bixiya tamarta, si ay awood ugu yeeshaan bixinta adeeg tamareed oo tayo leh, kharash ahaan la jaanqaadi kara awoodda shacabka.
Tani waxay noqonaysaa tallaabo fure u ah yaraynta culayska nolosha ee haysta bulshada iyo dhiirrigelinta ganacsiyada yar yar iyo kuwa dhexe ee dalka.
Waxaa kale oo kulanka lagu falanqeeyay saameynta isbeddellada siyaasadeed iyo colaadaha Bariga Dhexe ee kor u qaaday qiimaha shidaalka caalamka.
Somaliland, sida dalal badan oo kale, maaha mid ka madax bannaan suuqyada tamarta ee dunida, waxaana loo baahan yahay in laga hawlgalo sidii looga hor tegi lahaa saameynta tooska ah ee isbeddeladaas.
Talooyinka ayaa muujinaya dareenka naxariista leh ee ay xukuumadda u hayso shacabkeedas, sidoo kale arrimaha ka soo baxay kulankan ayaa markhaati u ah in la joogo xilligii si dhab ah loo wajihi lahaa tamarta la cusboonaysiin karo, sida cadceedda iyo dabaysha oo noqon karta beddelka mustaqbalka fog ee shidaalka qaali noqday.
Tamartani waxay gacan ka geysan kartaa yaraynta kharashaadka, ilaalinta deegaanka, iyo xoojinta awoodda dalka ee tamarta madaxbannaan.
Si kastaba ha ahaatee, dadaalka xukuumadda wuxuu u baahan yahay in laga dhigo mid la taaban karo. Waxa lagama maarmaan ah in la dhiso hannaan isla xisaabtan iyo kormeer, lana xoojiyo wada shaqaynta dowladda iyo ganacsiga gaarka loo leeyahay. Qorshayaashu waa in aanay ku ekaan madal iyo hadal, balse loo beddelo ficil muuqda oo laga dareemo suuqa, guryaha shacabka, iyo warshadaha dalka.
Waxaan rajaynaynaa in kulankan uu noqdo bilow dhab ah oo lagu gaadho tamar la isku halayn karo, jaban, una siman yahay dhammaan muwaadiniinta Somaliland.