Dhuxul dhagaxdu waa isku dhis macdan ka samaysan. Waana malakuyulada curiyaha kaarbiin, haydarojiin, salfar, nitrojiin, iyo Ogsijiin isla-falgalay cadaadis iyo heerkul sareeya dhexdeeda. Qeeaxid ahaan dhuxul dhagaxdu waa macdan ka soo jeeda maatar-dhireed-deegaaneed bur-bur kaymo hore oo biyo fadhiisan jireen, sida badana laga helo afaafka wabiyadda.
Dhuxul dhagaxda uu ugu badan yahay Kaarboonka ayaa si dabiici ah loogaa oogada sare ee dhulka, iyadoo u samaysan qaabka dhagaxa. Dhuxul dhagaxda waa il soo saar shiidaal ah, taas oo loo isticmaalo waxyaabo badan. Tan iyo wakhti hore ayaa dhuxul dhagaxda la qodi jiray, iyadoo marka la gudbo soo saarta kulayl fiican.
Dhawr waddan ayaa ah kuwa ugu badan ee soo saara dhuxul-dhagaxda. Waxaana wadamadaasi ka mid ah Brazil, India, China, iyo qaar ka mid ah wadamada Afrika sida Nigeria ayaa ah kuwa wax soo saarka iyo dhoofinta dhuxul-dhagaxda. Intaa waxaa dheer, Indonesia waa dhoofiyaha ugu weyn ee dhuxul-dhagaxda.
Brazil waxa ay soo saartaa 11% dhuxul dhagaxda ee aduunka, waana dalka ugu badan ee wax ku darsada soo saarka dhuxul dhagaxda aduunka ilaa hadda. Inta badan dhuxusha Brazil waxaa loo isticmaalaa mid ka mid ah dhoofinta aasaasiga ah ee dalka.
Kaymaha kulaylaha ee Nigeria, Brazil, India, Tanzania, Ghana, iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo ayaa ka mid ah ilaha ugu horreeya ee dhuxusha adduunka. Dhuxul-dhagaxdu waa macdan dabiici ah oo samaysa muddo malaayiin sano ah halka dhuxushu ay tahay wax la soo saaray oo laga sameeyay dhir la soo jaray.
Marka aynu u soo noqo jamhuuriyadeenan Somaliland waxaa la tilmaamaa in ay ka mid tahay dalalka y ku jirto Dhuxul-dhagaxdu, balse aan ilaa iyo hadda laga faa’iidaysan soo saaristeeda iyo sidii looga faa’iidaysan lahaa dhuxul-dhagaxdaasi si loo bad-baadiyo jarista dhirta dhuxusha laga shido.
Hadaba, qormadeena todobaadkan ee DEEGAAN JIRRE,waxaynu ku soo qaadan doonaa xildhibaan Siciid Xuseen Huruuse, oo ka tirsan mudanayaasha golaha guurtida Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa sheegay in isticmaalka Dhuxul-dhagaxdu ay tahay xalka kaliya ee lagu bad-baadin karayo dhirta iyo degaankeena, isaga oo tilmaamay in isticmaalkeeda lagaga maarmi karo dhuxusha laga shido dhirta la jarayo iyo xaalufinta deegaanka ee ee xawliga ah.
Xildhibaan Siciid Xuseen Huruuse, ayaa sidoo kale xukuumadda Somaliland ku dhiiri-galiyay in dalka laga hirgaliyo wershado yar yar oo farsameeya Dhuxul-dhagaxda, si looga hor tago dabar jarka iyo xaalufinta ba’an ee lagu hayo deegaanka iyo dhirtii manaafacaadka u lahayd bulshada ee dhibaatada lagu hayo.
Dhinaca kale Xildhibaan Siciid Huruuse ayaa sheegay inay lagama maarmaan tahay in gacanta xukuumadda dib loogu soo celiyo dhulkii ay dawladdu lahayd, si looga hirgaliyo mashaariicda dawlawliga ah ee manface u leh bulshada reer Somalialdn, sida warshadaha Dhuxul-dhagaxda oo kale.
Xildhibaan Siciid, oo Wareysi gaar ah siiyay Wargeyska Dawan, ayaa ka xog-waramay xal u helista dhirta sida maalinlaha ah loo jarayo ee laga dhigayo Dhuxusha, isaga oo tilmaamay in loo baahan yahay in qorshe weyn laga yeesho.
Waxaanu yidhi “Dhirtii waa la wada jaray oo waa la dabar-gooyey, waxaana laga dhigey wax la gooyo iyo wax la gubo, roobka waxa soo qabta waa Dhirta, haddii dhulka laga dhammeeyo dhirta wuxuu isu beddelayaa Saxare.
Bulshada waxaan u soojeedinayaa in ay joojiyaan xaalufinta deegaanka, sababta oo ah waxan aad jareysaan waa noloshiini, xoolihiini, adduunkiini waxa adduunyada quudiyaa waa Geedka, caleenta geedka ayaa waxa ay quudisa xoolaha, xooluhuna waxay quudiyaan dadka, dadkuna waxa uu quudiyaa dhulka oo marka aynu beerno geedkaas ayay nolosha adduunka oo dhami ku saleysan tahay, kaas ayaynu jareynaa, waa mushkilad, waa nin sun aanu garanayn cabbaya, markaa waxaan soo jeedinayaa in goynta dhirta la joojiyo”.
Xildhibaanku waxa uu sheegay in dhirta oo la jaraa ay tahay noloshii oo wax loo dhimay, waxaanu bulshada ugu baaqay inay ka waantoobaan jarista dhirta. Waxaanu yidhi “Haddii dhirta la jaro waa noloshii oo wax loo dhimay markaa waxaan kula talinaya bulshada in ay ka waantoobaan goynta dhirta.”
Geesta kale Xildhibaan Siciid Xuseen Huruuse, ayaa sheegay inay lagama maarmaan tahay in dawladu gacanteeda ku soo celiso dhulkii ay lahayd, isla markaana ay laga maarmaan tahay isku tashi bulsho oo xal loogu raadinayo dabar-goynta dhirta.
“Dawladda waxaan u soojeedinayaa in la sameeyo isku tashi qaran, isla markaana dib loo sooceliyo dhul daaqsimeedkii, si dhirta loo badbaadiyo iyo dalka iyo dadkaba, haddii ay sidan ku sii socoto waddanku waxa uu isu beddelaya Saxare lama degaan ah oo aan roob ka da’in, marka dadku mustaqbalkooda ha ka tashadaan oo ha joojiyan jarista dhirta”, ayuu yidhi Xildhibaan Siciid Xuseen Huruuse, waxaanu intaas ku daray in ay lagama maarmaan tahay in dowladdu ku dhiirrato hirgelinta warshad lagu farsameeyo Dhuxul-dhagaxda si looga baaqsado goynta iyo gubista dhirta.
“Dawladdu haddii ay suuragal tahay ha keento haamaha gaasta ee cuntada lagu karsado, sababta oo ah deegaankii ayay badbaado u noqonaysaa, sidoo kale Dhuxul-dhagaxdu waa xalka kaliya ee lagu badbaadin karo dhirta, dadkuna ay ka heli karaan wax jaban, sababta oo ah Dhuxul-dhagaxdu marka maadada suntan ah ee ku jirta laga saaro hal dhagax ayaa qadada oo dhan kuu karinaya, maadaama aanu isagu hore u burburayn, dambasna ma noqonayo.
Dawladu ha keento warshaddii lagu farsameyn lahaa Dhuxul-dhagaxda, oo dowladaha ay saaxiibka dhaw yihiin ha la kaashato. Dhulkana gacanta dowladda ha lagu sooceliyo sababto ah dhulkii dad baa iska sheegtay oo meel aad marto heli meysid” ayuu yidhi xildhibaan Siciid.
Dhinaca kale haddii ay dhuxul-dhagax ku jirto dhulka Somaliland maxay tahay sababta loo soo saari waayay si loo isticmaalo, oo loogaga maarmo jarista dhirta dhuxusha laga shido, taasoo xaaluf iyo bur bur ku keentay dalkeenii, isla markaana qayb weyn ka qaadatay saamaynta ka dhalatay isbedelka cimiladda.
Wasiirkii hore ee wasaaradda deegaanka iyo isbedelka cimiladda Somaliland Shukri Baandare, oo dhawr sanadood ka hor ay golaha guurtidda Somaliland wax ka waydiiyeen su’aal la xidhiidhay dhuxul-dhagaxda, ayaa tilmaantay in ndalkeena ay ku jirto dhuxul-dhagax balse ay u baahan tahay baadhitaan fara abdan sida baatroolka oo kale.
“Waa run oo Dhuxul-dhagax way ku jirtaa dalkeenna. Laakiin, waxay u baahan tahay baadhitaan sida Baatroolka oo kale ah. Sida loo baadho Baatroolka iyo Macdanta in loo baadho ayay u baahan tahay. Taasina waxay u baahan tahay, in dad dibadda ka yimaadda oo maalgashadda ay baadhaan, sida shirkaduhu ay u imanayaan, ee ay u eegayaan. Khayraadka ayay ka mid tahay Dhuxul-dhagaxdu. Markaa waxay u baahan tahay tacab fara badan iyo xoolo fara badan oo lagu soo saarro. Waayo? Iyadu (Dhuxul-dhagaxda) dhulka hoostiisa ayay ku jirtaa, Carbon monoxide ayaanay leedahay.
Waana in laga saaraa carbon monoxide ka, haddii aan laga saarin carbon monoxide ka lama shidan akrayo. Carbon ka ku jira ama qiiqa ka soo baxa Xaabadda ama geedka aynu shidanno iyo ka ku jira Dhuxul-dhagaxdu way kala duwan yihiin, waanay kala xoog badan yihiin. Mid waliba marka la shido waxay leedahay sun gaara. Laakiin, way kala khafiifsan yihiin. Markaa taasi waxay u baahan tahay wakhti iyo in juhdi badan la geliyo, si loo soo saarro”.

























