Tirada dhimashada Diyaaradii Air India oo gaadhay 270 qof

0
310

Dhakhaatiirta India ayaa sheegay in 270 meyd ah laga soo saaray goobtii ay ku burburtay diyaaradii Khamiistii ee magaalada Ahmedabad.

Diyaaradan oo ku sii jeeday magaalada London ayaa ku burburtay xaafad ay dad degan yihiin wax yar kadib markii ay kacday waxay siday 242 rakaab ah iyo shaqaalihii diyaaradda, dhammaan way wada dhinteen ilaa hal qof oo rakaab ahaa mooyee, waa 40 jir u dhashay dalka Ingiriiska.

Saraakiishu waxay sidoo kale isku dayeen inay ogaadaan tirada dadka ku dhintay goobta, waxaana lagu baadhayey hannaanka gaabis ah oo ah isku dhafka DNA-da si loo xaqiijiyo aqoonsiga dhibbanayaasha.

Isu imaatino lagu maamuusayo dadka dhintay ayaa ka dhacay Hindiya iyo UK.

Xafiiska Baadhista Shilalka Diyaaradaha ee Hindiya (AAIB) ayaa hogaaminaya baadhitaanka sababta shilkan diyaaradeed, oo ay caawinayaan kooxo ka socda Maraykanka iyo UK.

Jimcihii, sanduuq madow ayaa laga helay goobta uu shilku ka dhacay kaas oo wasiirka duulista rayidka ee Hindiya, Ram Mohan Naidu Kinjarapu, uu sheegay in uu “si weyn u caawin doono baadhitaanka” musiibada.

In ka yar 60 ilbiriqsi ka dib markii ay ka dhooftay garoonka caalamiga ah ee Ahmedabad ee Sardar Vallabhbhai Patel, diyaarada ayaa joogsatay waxayna ku dhacday dhismo loo isticmaalay hoy dhakhaatiir oo ku yaal Kuliyada Caafimaadka ee BJ iyo Cisbitaalka Rayidka.

Sabtidii, Guddoomiyaha Ururka Dhakhaatiirta da’da yar ee kuliyada, Dr Dhaval Gameti, ayaa xaqiijiyay in isbitaalku qaabilay meydadka 270 dhibanayaal ah.

Dadkaas, 241 ka mid ah ayaa la rumeysan yahay inay ahaayeen rakaab iyo shaqaalihii diyaaradda AI171.

Sida laga soo xigtay xogta laga helay website-ka dabagalka, Flightradar24, Boeing Dreamliner 787-8 waxay ahayd 11 sano jir, 25 duulimaad oo ka timid Ahmedabad kuna socotay London Gatwick ayey gashay labadii sano ee la soo dhaafay.

Iyada oo laga jawaabayo shilkii Khamiista, maamulaha duulista Hindiya, Agaasinka Guud ee Duulista Rayidka (DGCA), ayaa amar ku bixiyay hubinno badbaado oo dheeri ah oo lagu sameeyo diyaaradda Air India ee Boeing 787-8 iyo 787-9, isaga oo ku sifeeyay “tallaabo ka hortag ah”.

Ra’iisul wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa yimi goobta ay diyaarada ku dhacday Jimcihii isaga oo aamusan oo fekeraya.

Waxa uu sidoo kale booqday cisbitaalka si uu ula kulmo qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay masiibada, oo uu ku jiro qofkii keli ahaa ee ka badbaaday diyaaradda Vishwashkumar Ramesh , isaga oo markii dambe sheegay in “dhammaan ummadda ay u baryayaan caafimaad degdeg ah”.

Madaxa shirkadda Air India Campbell Wilson ayaa sidoo kale jimcihii tagay goobta shilku ka dhacay, wuxuuna booqashadiisa ku tilmaamay mid si qoto dheer u socota.