Hargeysa (Dawan)- Wakaaladda Biyaha Hargeysa ayaa bulshada ku dhaqan caasimadda Hargeysa ku wargelisay in aanay cabbin biyaha ay ka helaan qasabadaha muddo laba maalmood ah , iyada oo ay wakaalladu ku hawlantahay nadiifintii dhuumaha biyaha ee shaqadoodu dhammaatay oo loo isticmaalayo xaddi badan oo maadada Koloriinta ah kana badan 10 jeer inta loo ogol yahay cabitaanka bani aadamka, taas oo waxyeelo gaadhsiin karta
Wakaaladda Biyaha Hargeysa waxa ay ka codsatay waxay ka codsatay bulshada ku dhaqan magaalada Hargeysa in ay ka feejignaadaan cabista biyaha ay ka helaan qasabadaha, muddada ay nadiifinta dhuumuhu socdaan. hawshaas oo laga bilaabayo 16-ka bishan oo ku beegan maanta oo Isniin ah Degmooyinka Maxamuud Haybe iyo Maxamed Mooge.
Sidaana waxa lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay wakaallada Biyaha Hargeysa, kaas oo u dhignaa sidan:- “Wakaaladda Biyaha Hargeysa waxay ay ku wargelinaysaa dadwaynaha degan magaaladda Hargeysa in ay bilaabmayso nadiifintii dhuumaha biyaha ee shaqadoodu dhammaatay iyada oo la isticmaalayo xaddi badan oo maadada Koloriinta ah (Chlorine Solution), kana badan 10 jeer inta loo ogol yahay cabitaanka bani aadamka, taas oo waxyeelo gaadhsiin karta cidii cabta.
Haddaba, inta ay nadiifinta dhuumuhu socoto waxa laga codsanayaa dadweynaha in ay ka feejignaadaan in la cabo biyaha haddii ay meelaha qaar ka soo baxaan.
Nadiifinta dhuumaha iyo kaydadka Degmooyinku (Disinfection of Pipes and Reseroirs) waa mid si degmo degmo ah u bilaabmaysa taariikhda 16/06/2025 lagana bilaabi doono lagana bilaabi doono degmooyinka Maxamuud Haybe iyo Maxamed Mooge.
Hawsha nadiifinta dhuumaha iyo kaydadku waxa ay soo afmeeraysa dhigista 166 Km oo dhuumaha biyaha oo Hargeysa la dhigay, 4 kayd oo waawayn iyo mid yar oo la dhisay iyo 278 oo ah kaalmaha ama kiyoostooyinka biyaha oo Iyana laga dhisay degmooyinka Hargeysa, shaqadan oo qayb ka ah Wajiga labaad ee biyaha Hargeysa ayaa bulshada caasimaddu ka faa’idaysan doontaa markale ama biyo ka heli doontaa marka la dhamaystiro qoditaanka ceelasha cusub iyo isku-xidhkooda ee Wakaaladda Biyaha Hargeysa gacanta ku hayso oo iyana horumar wanaagsan laga sameeyay.”