Hindiya ayaa iska fogeysay cambaareynta Ururka Iskaashiga ee Shanghai (SCO) ay ku cambaareeyeen weerarada joogtada ah ee Israa’iil ku hayso Iran, taas oo muujinaysa in Hindiya ay u jan-jeedho dhinaca Isreal.
Hogaamiyayaasha dunidu waxay si isdaba joog ah ugu baaqeen in xiisadda la dejiyo inta lagu guda jiro weerarrada la dib markii Israa’iil Jimcihii ay weerar ay ku qaaday dalka ay isku gobolka yihiin ee Iran, taas oo khatar gelinaysa xasilloonida gobolka. Israa’iil waxay weerarro ku qaaday saldhigyada militariga Iran iyo xarumaha Nukliyeerka.
Waxa lays weydiinayaa sababta ay Hindiya u diiday cambaaraynta, isla markaana maxay uga hadhay mawqifka isbahaysiga SCO ee ay ka mid tahay? SCO, oo ah koox siyaasadeed iyo amni oo la aasaasay 2001, waxay ka kooban tahay dalalka Shiinaha, Belarus, India, Iran, Kazakhstan, Kyrgyzstan, Pakistan, Russia, Tajikistan iyo Uzbekistan. Iran oo ka mid ah soo-galayaashii ugu dambeeyay, waxay ku biirtay SCO sanadkii 2023 xilligaas oo ay xilka haysay Hindiya.
Sabtidii, SCO, oo uu hadda guddoomiye ka yahay Shiinaha, ayaa soo saaray bayaan ay ku sheegtay in waddamada xubnaha ka ah “ay muujinayaan welwelka weyn” ee ku aaddan xiisadda sii kordheysa ee Iran iyo Israa’iil, waxayna “si adag u cambaareynayaan weerarrada milateri ee ay Israa’iil ku hayso” dhulka Iran.
Bayaanka SCO ayaa sidoo kale lagu xusay in ficilada gardarada ah ee Israel ee ka dhanka ah bartilmaameedyada rayidka ah, oo ay ku jiraan kaabayaasha tamarta iyo gaadiidka, kuwaas oo sababay dhaawacyo rayid ah, ay yihiin xadgudub weyn oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah iyo Axdiga Qaramada Midoobay.
“Weerarada Israa’iil waxay xad-gudub ku yihiin madax-bannaanida Iran, waxay waxyeello u geystaan ammaanka gobolka iyo kan caalamiga ah, waxayna khatar weyn ku yihiin nabadda iyo xasilloonida caalamka,” ayaa lagu sheegay hadalka SCO, iyada oo tacsi loo diray dowladda iyo shacabka Iran.
“Dalalka xubnaha ka ah SCO waxay si adag ugu ololeeyaan in lagu xalliyo xaaladda ku hareeraysan barnaamijka Nukliyeerka Iran si gaar ah iyada oo loo marayo hab nabadeed, siyaasadeed, iyo diblomaasiyadeed,” ayaa lagu yidhi bayaanka.
Hindiya labada waddanba waxay la leedahay xidhiidh, Israel waxay ka iibisaa hubka ugu badan, 2024-kii, shirkadaha hubka ee Hindiya waxay Isreal ka iibiyeen gantaalada iyo walxaha qarxa ee Israel intii uu socday dagaalkii Gaza, baadhitaano la sameeyey ayaa shaaca ka qaaday. Dhinaca Iran, Hindiya waxa ay horumarinaysay dekedda Chabahar ee Iran oo ah marin ay wax ugu dhoofiso badhtamaha Aasiya iyo Afgaanistaan.
Hindiya ma taageertaa Israa’iil?
Si cad uma aha. Laakiin iyada oo iska fogaysay mowqifka ururka, New Delhi waxay wiiqday awoodda SCO ee cambaareynta weerarrada Israel ee Iran.
Maalin ka hor inta aanay ka leexan bayaanka SCO, India waxay ka gaabsatay inay u codeyso Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay qaraar qabyo ah oo dalbaday xabbad-joojin ” degdeg ah, shuruud la’aan ah oo joogto ah” Gaza.