Bini’aadamku way ku kala duwan yihiin mahadnaqa Ilaahay marka uu u nimceeyo, sidaas oo kale way ku kala duwan yihiin sida ay u dhaqmaan marka uu Ilaahay ka qaado dhibaato. Halkan waxaynu ku eegaynaa saddex qof oo dadkii inaga horeeyey ah oo uu Ilaahay intixaamay.
Xadiiska Bukhaari iyo Muslim labaduba way soo saareen, waxaana werinaya Abuu Hureyrah (RC) waxa uu sheegay inuu ka maqlay Nabiga (scw) oo leh: “ Waxa jiray saddex nin oo reer Banii Israa’iil waxay kala ahaayeen: Nin baras qaba, mid bidaar leh oo bilaa timo ku dhashay iyo mid indho la’, Eebbe wuxuu damcay inuu imtixaamo, markaas buu u soo diray malag, malagaasi wuxuu ugu yimi mid kasta suurad dad aama Bani aadam. Wuxuu ku soo horeeyey kii baraska qabay, wuxuuna ku yidhi: “Maxaad jeceshahay in lagu siiyo”, waxa uu ku yidhi malagii : “Midab qurux badan yahay iyo maqaar qurux badan, si uu iiga tago waxan dadku igu qudhunsanayaan” . Markaas ayuu malagii gacantiisa mariyey ama ku masaxay, ka dib waxa ka tegay Basarkii, waxa u soo baxay Maqaar qurux badan iyo midab qurux badan.
Hadana Malagii waxa uu ku yidhi: Maalka keebaad kuugu jeceshahay? Wuxuu yidhi: Geela , sheeko kalena waxay odhanaysaa wuxuu yidhi: Lo’da , (waa shaki), ka dib Malagii waxa uu siiyey Hal dhalaysa, wuuna u duceeyey oo waxa uu ku yidhi “Alle ha kuu barakeeyo. Wuu ka tegay, waxa uu yimi kii bidaarta lahaa, wuxuuna uu ku yidhi Maxaad jeceshahay in lagu siiyo?. Wuxuu yidhi: “Timo wanaagsan, si ay iiga tagto bidaartan dadku igu caayayaan”. Waxa uu ka masaxay madaxa, waxaana Ilaahay u soo saaray timo wanaagsan.” Wuxuu yidhi: “Hanti maxaad ugu jeceshahay?” Wuxuu yidhi: “Lo’da.” Markaasaa waxa la siiyay sac dhalaya. Wuxuu yidhi:- Alle haku barakeeyo”. Wuu ka tegay, waxaa uu u yimi ninkii indhaha la’aa, wuxuuna ku yidhi: “Maxaad jeceshahay?” Waxa uu yidhi: “In Eebbe ii soo celiyo araggiisii, si aan u arko dad”, ka dibna waxa uu ka masaxay Indhaha, ka dibna Ilaahay waxa uu u soo celiyey aragii. Dabadeedna waxa uu ku yidhi “Maal maxaad ugu jeceshahay”?, waxa uu yidhi Adhiga, ka db waxa uu siiyey Lax dhalaysa, wuuna u duceeyey inuu Ilaahay u barakeeyo.
Nin kastaa wixii la siiyey wuu dhaqday, way u tarmeen Ilaahayna waa u barakeeyey. Mid kastaa waxa uu yeeshay Tog, Geela, tog Lo’ ah iyo tog adhi ah. Mid kastaana waxa Ilaahay ka kexeeyey dhibaatadii. Muddo ka dib waxa bilowday imtixaankii, Malagii ayaa mid kasta ku soo noqday isaga oo mid kasta ugu yimi sidii ama suuradii uu markii hore ahaa. Kii Indhaha la’aa waxa uu isaga soo qof indhala, kii baraska qabay sidii qof baras qaba, kii bidaarta lahaana qof bidaar leh.
Waxa uu ugu hori yimid kii baraska lahaa, waxa uu ugu yimi muuqaalkiisii iyo midabkiisii, wuxuuna ku yidhi: waxaan ahay nin faqiir ah, oo xadhkihii safarku ka kala go’een, markaas ma haysto wax aan ku sii wato safarkayga. Ilaahii ku siiyey midabka wanaagsan iyo maalka dartii, waxaan kugu waydiisanayaa neef Geel ah oo aan safarkayga ku sii wato. Waxa uu yidhi “ Waar ninyahow xoolahan xuquuq badan baa lagu leeyahay dad badan baana leh, markaa waxba kama bixin karo.
Ka dib Malagii waxa uu ku yidhi “Waxaad u eegtahay mid aan garanayo”, miyaanad ahayn ninkii baraska la’aa ee dadku caayi jireen ee faqiirka ahaa, Ilaahayna siiyey midabka quruxda badan iyo xoolaha. Ka dibna waxa uu yidhi “Waar ninyahow waxaad ka sheekaynayso garanmaayo, xoolahan waxaan ka dhexlay ka awoow ka awoow, ka dib Malagtii waxa uu yidhi “ hadaad been sheegayso sidaadii hore Alle ha kugu celiyo”, wuuna ka tegay.
Waxa uu yimi kii bidaarta ama bilaa timaha ahaa wuxuuna yidhi: “sidii uu ku yidhi sidii uu ku yidhi Ninkii baraska lahaa. “Xadhkihii safarkaygii xadhkaha ayaa iga go’ay, markaa ma haysto wax aan ku sii wato safarka, Ilaahay ayaan rajaynayaa ka dibna adiga. Waxaan ku weyddiisanayaa neef lo’ ah oo aan safarka ku sii wato. Waa uu diiday inuu siiyo, ka dib malagii waxa uu ku yidhi “Waxaad u eegtahay mid aan garanayo oo bidaar lahaa dadkuna caayi jireen, Ilaahayna uu siiyey Timo wanaagsan iyo maal”, hadii aad been sheegayso Ilaahay ha kugu soo celiyo sidii aad ahayd. Wuu ka tegay waxa uu u yimi kii Indhaha la’aa, sidoo oo kale waxa uu ku yidhi “waxaan ahay nin miskiin ah oo sahaydii safarku ka goday, mana haysto wax aan ku gaadho safarkayga, Ilaahay mooyee, ka dibna adiga, Ilaaha araga ku siiyey iyo maalka waxaan ku weydiisanayaa neef aan safarkayga ku gaadho.
Wuxuu yidhi: “waan indho la’aa, Ilaahay ayaa ii soo celiyay araggaygii, ee ka qaado waxaad doonto,waxaad doonto ks tag, Ilaahay baan ku dhaartaye kaa celin maayo wax aad Ilaahay dartii u qaadatay. Malagii waxa uu yidhi: “hayso maalkaaga, waa la idin imtixaamay, Ilaahay wuu kaa raalli noqday, labadaadii saaxiib ee kalena wuu u cadhooday. ”
Waxaynu ka faa’iidaysanaynaa Adoomaha Alle siday u kala duwan yihiin. Marka nimcooyin la siiyo ama imtixaan ay ku jireen laga saaro sida ay u dhaqmaan. Xadiisku wuxuu ina tusayaa in Nimcada oo lagu shukri naqo Ilaahay inaga raali noqonayo. Waxa kale oo xadiiska ka fahamaynaa inuu Imtixaanku jiro sida uu qur’aanka inoogu sheegay, waxaanu idinku Imtixaamaynaa shir iyo khayrba. Way banaan tahay in la sheego xaaladihii ummadihii hore, si ruuxii maqlaa uu cashar uga qaato. Waxa kale oo Xadiiska ina barayaa In la caddeeyo doonista makhluuqa iyo imtixaanka Alle.

























