Qore C/wahaab Daahir Xasan
Agabar (Dawan) Hay’adda u diyaargarowga aafooyinka iyo kaydka qaranka ayaa deeq raashin ah gaadhsiiyey 125 qoys oo ku nool Degmada Agabar oo ku taal gobolka Gebilay, qoysaskan la gaadhiisyey deeqda raashinka ayey dhawaan ku dhufatay duufaan.
Deeqdan raashinka ayaa waxa qosyaska si rasmi ah ugu qaybiyey gudomiyaha degmada Agabar Khadar isagoo u mahadceliyey gudoomiyaha gobolka Gebilay Maxamed Cabidlaahi Jaamac Bookh iyo isuduwaha Hay’adda udiyaargarowga aafooyinka iyo kaydka raashnka qaranka Somaliland isagoo masuuliyintaasi ku tilmaamay inay ka shaqeeyeen sidii qosaska ay ku dhufatay Duufaantu uu u soo gaadhi lahaa raashinkani.
Raashinka loo qaybiyey qoysaska ay duufaantu dhawaanta ku dhufatay ayaa ka koobnaa Saliid, Timir, Sonkor iyo Bariis,iyadoo raashinku soo gaadhay wakhti qoysaskani baahi wayn u qaybeen in la soo gaadhsiiyo raashin.
Geesta kale qaar ka mid ah qoysaskii deeqda raashinku so gaadhay ayaa ugu mahadceliyey Xukuumada, maamulka gobolka iyo Hay’adda udiyaargarowga aafooyinka iyo kaydka qaranka, waxana ay timaameen in raashinka la soo gaadhsiiyey wakhti ay baahi wayn u qabeen isla markaasina deeqda raashinka ahi soo gaadhay wakhtigii ku haboonaa.






















