Ciidamadii La Waayay Iyo Mucjisada Caalkamka!

0
220

In qof ama Xayawaano badan si lama filaan ah looga waayo caalamka iyadoo weliba aanay jirin  digniin , sababo gaar ahina muuqan, oo aan xataa la ogeyn meesha ay jaan iyo cidhib dhigeen, dhimisho iyo nolol midkoodna lagu tirin Karin waa arrimaha yaabka leh ee meerahan dhulka ka buuxa kana mid ah siraha aan la furufrin ee ilaa hadda yaabka noqday.

Guuto 3000 oo askari  in la waayo mar keliya waxay muujinaysa xaqiiqda ah in aan wax badan weli laga aqoon meeraha dhulka iyo la yaabyadiisa.

Sanadkii 1939kii, 9kii Bishii Desember, oo ahayd wakhtigii uu socday dagaalkii Japan ay ku qaaday kacaankii Shiinaha iyo dagaal weynihii labaadba, magaalada Najing ee dalka Shiinaha waxa duulaan ku qaaday ciidamadii Japan kuwaasi oo si fudud u qabsaday, iyagoo rajaynayay in haddii magaalada ay qabsadaan uu soo afjarmayo dagaalku. Hogaanka ciidamada Shiinaha ayaa soo saaray amaro ah in ciidamada Japan lagu hareeryo oo aan loo ogolaan inay ka baxaan magaalada sidaa darteedna waxa ay ku soo kordhiyeen guuto ciidan ah oo cusub oo hawshaasi lagu xoojiya.

Hogaamiyaha Shiinaha “Li Fu-Sen” wuxuu ku amray guutada sadexda kun ee askari ahi inay ku hareereeyaan Jabaan gudaha magaalada oo ay ka horjoogsadaan inay ka baxaan gudaheeda iyagoo ciidamo kalena biriijyada soo galla magaalada ay xidheen, isla markaana buuraha ku hareeraysan magaalada ay guudkeeda ilaalo ka sameeyaan.

Saacado yar ka dib markii ay guutadu dhaqaaqday, ayaa si lama filaan ah looga waayay jiritaankeeda, iyadoo haddana aan buuq iyo sawaxan midna la maqal.  Waxase yaab noqotay in hubkoodii laga helay agagaarka  goobtii lagu waayay.

Ciidanka loo xilsaaray ilaalinta buundada  ayaa iyaguna xaqiijiyay in aanay maqlin wax dhawaaq dagaal ah, oo dhacay, iyo xataa cid u dhowaatay Biriijka. Taliska ciidanka Jabbaan ayaa rumaysan kari waayay waxa dhacay, iyagoo cadeeyay mar danbe in aanay ka qayb qaadan wax haba yaraatee dagaal oo dhex maray ciidankooda iyo kuwa kale.

Arrimaha la is weydiiyay ayaa ah in ciidan dhan oo gaadhaya 3000  Askari ay isla mar keliya wada baab’aan, isla markaana la waayo raq iyo ruux meel  ay ku danbeeyeen.

Waxaana jirta aragti ku doodaysa inay guutadani gaadhay meel aana laga soo noqon oo caalamka ah sida dad iyo kooxo kaleba ku dhacday. Waana aragti ay ku saleeyaan cilmiga Fisigiska “Universe parallel”.  Waxaa kale oo jirta aragti odhanaysa dagaal ayaa dhex maray ciidanka Jabbaan oo ka yaabiyay  guutada isla markaana lagu baabiiyay.. Laakiin sidee taasi u dhacday !!?.  Hadday sidaasi jirto, Suuragal ma tahay in la dilo saddex kun oo askari iyadoo iska caabin jirin isla markaana khasaaro ku dhicin kuwa ka horjeeda?, Halkeese la geeyay meydadkii askarta, oo caqli gal ma tahay in qof keliya aanu ka baxsan dagaalka? Dadka aaminsan argatida “UFO” ayaa iyaguna ku dooda in afduub ay ku sameeyeen dad aana Aadami ahayn oo Jiman iyo duni kale ka yimi.

Si kasta oo aragtiyo iyo mala-awaal badani u jiraan, haddana maqnaanshaha iyo qarsoodiga aan xallka loo helin ee guutadii magaalada Nianjing Brigade waa mid weligeed jirays. Maqnaanshaha guutada Nianjing Brigade ee aan soo laaban ayaa xitaa abuurtay cabsi iyo werwer badan.

Maxay adiga kula tahay akhriste? Maadaama wakhtigu ahaa seben colaad iyo dagaal oo ilaha been abuurka iyo dacaayaddu burqanayeen, dagaalka nafsiga ah iyo shirqooladuna badanaayeen haddana waxa ay noqotay arrin aan ilaa maanta jawabteeda la furin. Waxaana ay ka mid noqotay mucjisooyinka dunida ka dhacay ee ilaa cilmigu ka wareeray sida ay u dhici karaan iyo sida loo rumaysan karoba!. Source (Unsolved Mystery Of Nanking Battalion)