Qore Axmed M. Saleebaan
Hargeysa (Dawan)- Munaasibaddii xadhig-ka-jarista ee dhismaha dayactirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Somaliland, oo uu si rasmi ah u furay Madaxweyne Ku-xigeenka dalka, Mudane Ambassador Maxamed Cali Aw-Cabdi, waxay ka turjumaysaa dadaalka joogtada ah ee xukuumaddu ugu jirto tayeynta kaabeyaasha dowladda iyo kor u qaadista hufnaanta adeegyada ay helaan muwaadiniintu.
Isku dubbaridka munaasibaddaasi oo si heer sare ah loo agaasimay, ayaa ahayd mid ka tarjunta wada-shaqaynta iyo isku-duubnida hay’adaha dowladda. Waxa Madaxweyne Ku-xigeenka ku weheliyey masuuliyiinta sare ee wasaaradda oo ay ka mid yihiin Wasiirka Wasaaradda, Wasiir ku-xigeenkiisa, agaasimaha guud iyo sidoo kale masuuliyiin kale oo ka tirsan xukuumadda, kuwaas oo muujiyey midnimo siyaasadeed iyo ka go’naansho horumarineed.
Kormeerka uu Madaxweyne Ku-xigeenku ku sameeyey xafiisyada kala duwan ee wasaaradda, iyo warbixinaha uu ka dhageystay waaxyaha, waxay ahayd tallaabo muhiim ah oo lagu qiimeynayo heerka shaqo, laguna dhiirrigelinayo tayeynta adeegyada ganacsiga iyo dalxiiska oo laf-dhabar u ah koboca dhaqaale ee dalka. Waxa muuqata in diiradda la saarayo sidii adeegyada loogu fidin lahaa ganacsatada iyo bulshada si degdeg ah, hufan, oo casri ah.
Sidoo kale, shahaado-sharafta la guddoonsiiyey Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska, Mudane Cabdiraxmaan Xasan Nuur, waa tallaabo dhiirrigelin ah oo la bogaadin karo, maadaama ay muhiim tahay in lagu abaalmariyo masuuliyiinta muujiyey karti iyo himilo horumarineed. Waxaa sidoo kale ah fariin cad oo xukuumaddu ku dhiirrigelinayso masuuliyiinta kale inay ku daydaan dadaalkaasi.
Dhammaan waxqabadyadan waxay qeyb ka yihiin qorshaha ballaadhan ee xukuumadda Somaliland ay ku dhiseyso hay’ado dowladeed oo tayo leh, lehna aqoon, hufnaan iyo hannaanka casriga ah ee maamulka. Tallaabooyinka noocan ahi waa kuwo si dhab ah u muujinaya damaca qaran ee ah in la helo adeegyo dawladeed oo hufan, dadkana u hogaansan.
Gabagabo ahaan, dhismaha cusub iyo kormeerka madaxda sare ee dalka wuxuu calaamad u yahay isbeddel wanaagsan oo ka hana qaaday hay’adaha dowladda. Waxa la gudboon dhammaan wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee dawladda inay ku daydaan dadaallada noocan ah, si loo xaqiijiyo horumar waara oo ka tarjumaya rabitaanka shacabka Somaliland.






















