Xildhibaan Qaasim oo Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka JSL, ku boggaadiyay fulinta balanqaadyadii xilligii Ololaha
Qore Boqore Axmed Cabdi
Hargeysa (Dawan)- Xildhibaan Qaasim Suleex Madar oo ka tirsan Golaha Guurtida Somaliland, ayaa si weyn u bogaadiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), iyo Madaxweyne-ku-xigeenka, Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi, isaga oo ku ammaanay hirgelinta ballanqaadyadii ololaha doorashada ee dhismaha kaabeyaasha dhaqaalaha, gaar ahaan jidadka muhiimka ah ee dalka.
Xildhibaanku wuxuu si gaar ah ugu ammaanay hoggaanka dalka fulinta wejiga labaad ee daamur-dhigista jidka Baki iyo Boorama, kaas oo hadda si rasmi ah u galay wajigii labaad ee daamur-saarista, isla markaana laga dhigay mid casri ah (roog). Wuxuu tilmaamay in jidkani yahay laf-dhabarta isu-socodka gobolka Awdal, isla markaana wax ka tarayo dardargelinta suuq-geynta khudaarta iyo wax-soo-saarka ka yimaadda deegaanka Baki.
Xildhibaan Qaasim Suleex Madar waxa uu sidaasi ku sheegay Waraysi gaar ah siiyay Wargeyska Dawan, isaga oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Jidka Baki iyo Boorama waxa uu ahaa jid si weyn loogu baahnaa. Maanta waxaa la saaray daamurkii wajigii labaad, waana arrin farxad iyo horumar u ah guud ahaan bulshada Jamhuuriyadda Somaliland. Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenku way ku guuleysteen hirgelinta jidkan muhiimka ah ee isku xidhaya Baki iyo Boorama, waana mid ka mid ah ballanqaadyadii ay horey u sameeyeen oo fulintiisa si rasmi ah loo hirgeliyay. Arrintaas oo ah waxqabad muuqda iyo horumar dhab ah.”
Xildhibaanku waxa kale oo uu sheegay in jidkan oo markii hore ahaa mid aad u liita, ay xukuumaddu hadda ka hirgelisay jid laami ah oo casri ah, kaas oo kaalin weyn ka qaadan doono suuq-geynta wax-soo-saarka khudaarta ee deegaanka Baki uu hodanka ku yahay, waxaanu yidhi “Jidkan Baki iyo Boorama aniga war iguma seegana oo muddo dheer ayaan si joogto ah u marayay, waxaanu ahaa jid aad u liita. Balse hadda daamurkii waa la saaray wajigii labaad. Taasina waa horumar laga dareemayo guud ahaan gobolka Awdal, waana mid si weyn faa’iido ugu leh degmada Baki oo hodan ku ah wax-soo-saarka khudaarta. khudaar tiro badan ayaa ka soo go’das deegaanka Baki, taasi oo faa’ido badan u leh degmada Boorama iyo guud ahaan gobolka Awdal, sidoo kalena wax-soo-saarku waxa uu u soo gudbayaa magaalada Hargeysa, markaa dhismaha jidkani waxa weyn ayuu ka tari doonaa wax soo saarka dhinaca khudaarta.”
Xildhibaan Qaasim Suleex Madar, waxa kale oo uu guul qaran ku tilmaamey hirgelinta dhismaha jidka halbowlaha ah ee isku xidha Baligubadle iyo Hargeysa, isaga oo si gaar ah ugu bogaadiyay Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, kaas oo si rasmi ah loo hirgeliyay wajigii labaad ee daamur saarista 15-kii kiiloomitir ee ugu horreeyay. Waxaanu tilmaamay “Waxaan si kal iyo laab ah ugu bogaadinayaa Madaxweynaha iyo madaxweyn ku xigeenka taabo-gelinta iyo daambur-dhigista 15-kii kiiloomitir ee ugu horreeyey ee jidka Baligubadle ilaa Hargeysa. Waa waddo halbowle ah, isla markaana ay bulshadu baahi weyn u qabeen in la hirgeliyo. Xukuumadda wada-jir iyo waxqabad waxa ay si muuqata u waddaa horumar ballaadhan oo la taaban karo,” ayuu yidhi Xildhibaan Qaasim, waxaanu intaasi raaciyay “Xukuumadda wada-jir iyo waxqabad runtii wey ku guuleysatay hirgelinta mashaariicda kaabayaasha dhaqaalaha, waxaana tusaale fiican u ah jidka Baligubadle ilaa Hargeysa iyo jidka jidadka Baki iyo Boorama. Waxa ay kaalin muuqata ka qaadan doonaan horumarinta suuqyada iyo kobaca dhaqaale ee beeraleyda iyo xoolo-dhaqatada deegaannadaas.”
“Dhismaha Jidadkani waxay kaalin libaaxle ka qaadan doonaan kor u qaadista dhaqaalaha Baki iyo Baligubadle, maadama ay yihiin kuwo hodan ku ah dhinaca beeraha iyo xoolaha, dhanka kale waxa ay meesha ka saari doonta hirgelinta jidadkani caqabadihi hortaagnaa iibgeynta wax soo saarkooda iyo sidii ay suuqyo ganacsi ugu heli lahaayeen,” ayuu yidhi Xildhbaan Qaasim Suleex Madaqr.
Xildhibaanu waxa uu shegay in bulshada reer Somaliland ay si weyn u soo dhaweeyeen hirgelinta jidadkan ay xukuumaddu hirgelisay, waxaanu yidhi “Daambur-dhigista jidadkan si weyn ayay bulshadu u soo dhawaysay, aad iyo aad ayaa loogu diirsaday. Waxaan si gaar ah ugu bogaadinayaa Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka oo hormood u ah hirgelinta mashruucan muhiimka ah.”
Xildhibaan Qaasim waxa kale oo uu ka hadlay baaxaada abaarta ku dhufatey gobolada Galbeedka Somaliland, waxaanu bulshada ugu baaqay in loo gurmado dadka jilicsan ee ay baaruhu saameeyeen. Waxaanu yidhi “Abaar ayaa ku dhufatey gobollada Galbeedka Somaliland, waa dhul oomane ah, abaartuna way taabatey, dadkii iyo duunyadiiba hadda way sii liicayaan, waxaan ka codsanayaa ganacsatada, bulshada iyo cid kasta oo gacan ka geysan karta in bulshadaa tabaalaysan gurmad degdeg ah loo fidiyo.”
Gaba-gabadii xildhibaan Qaasim Suleex Madar, waxaa uu soo jeediyay in qorshe laga yeesho abaarahan soo noqnoqonaya, waxaanu xusay in loo baahan in la beero Banka Geriyaad, sidoo kale waxa uu bulshada ku waaniyey in ay wax beertaan, si ay uga baaqsadaan abaaraha ba’an ee dad iyo duunyaba saameynta ku yeesha marka xilliga gu’gu jeesto.






















