Ruushka oo Mar kale Ballan Qaad ka Helay Kuuriyada Waqooyi

0
420

Hoggaamiyaha Waqooyiga Kuuriya, Kim Jong Un, ayaa siiyay Moscow “taageero aan shuruud lahayn” dagaalka Ukraine, sida lagu soo xigtay warbaahinta dowladda Pyongyang. Intii lagu jiray wadahadallo uu la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ruushka, Sergei Lavrov, oo booqasho ku joogay Waqooyiga Kuuriya, Kim ayaa sheegay in Pyongyang ay garab taagan tahay “dhamaan tallaabooyinka ay qaadeen hoggaanka Ruushka” si ay u xalliyaan “asal ahaan sababta keentay qalalaasaha Ukraine.”

Mas’uuliyiin reer Galbeed ah ayaa rumeysan in Pyongyang ay u dirtay ilaa 11,000 oo askari Ruushka sanadkii la soo dhaafay si ay uga qeyb qaataan dagaalka ka dhanka ah Ukraine. Madaxweyne Vladimir Putin ayaa weerar buuxa ku qaaday Ukraine bishii Febraayo sanadkii 2022-kii.

Sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee Kuuriyada Waqooyi ee KCNA, Kim iyo Lavrov waxay ku kulmeen Sabtidii “jawi ay ka buuxdo kalsooni saaxiibtinimo oo diiran”. Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi ayaa sidoo kale muujiyay “in uu si adag u aaminsan yahay in ciidamada Ruushka iyo dadka ay hubaal tahay in ay ku guuleysan doonaan guul ay ku gaadhaan hadafka xurmada leh ee difaaca sharafta iyo danaha aasaasiga ah ee dalka”.

Bogga Telegram-ka ee wasaaradda arrimaha dibadda ee Ruushka ayaa soo bandhigtay muuqaal muujinaya labada nin oo is gacan qaadaya, isla markaana isasa salaamaya.

Wasiirka arrimaha dibadda Ruushka Lavrov, waxa uu sidoo kale la kulmay dhigiisa Kuuriyada Waqooyi Choe Son Hui waxa uuna uga mahad celiyay “geesiyada” askarta Kuuriyada Waqooyi ee loo diray in ay caawiyaan Ruushka, sida ay ku warantay wakaalada wararka ee Russia TASS.

Taageerada cusub ee Kuuriyada Waqooyi ay siinayso Ruushka ayaa kusoo beegmaysa xilli madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu dib u bilaabay saadka milatari ee Ukraine, kadib muddo kooban oo uu hakad ku jiray.

Trump ayaa u sheegay NBC News Khamiistii in uu heshiis la galay NATO, in Mareykanka uu nidaamka difaaca hawada ee Patriot u diro Ukraine isagoo sii maraysiinaya isbaheysiga, ka dib markii ay bateen weerarada cirka ee Ruushka, kuwaas oo dhaliyey khasaare badan gudaha Ukriane.

Pyongyang ayaa markii ugu horeysay si cad u qiratay inay ciidamadeeda u dirtay Ruushka bishii April, bilo ka dib markii Ukraine iyo reer Galbeedka ay shaaca ka qaadeen dhaq-dhaqaaqa baaxada leh ee ciidamada ka socda Kuuriyada Waqooyi ee ku wajahan jiida hore ee Ruushka iyo Ukraine.

Kim, waxa uu heshiis la saxeexday hoggaamiyaha Ruushka Vladimir Putin bishii June ee sannadkii hore, iyagoo oo ku heshiiyey inay is taageeraan haddii labada waddanba ay wax ka qabanayaan “gardarrada”.

Ruushka iyo Kuuriyada Waqooyi ayaa leh xidhiidh wanaagsan iyadoo dhinacyadu isku muujiyaan taageero.

Marka laga soo tago askarta, Waqooyiga Kuuriya ayaa qorsheynaysa inay dirto kumannaan shaqaale ah si ay uga qeyb qaataan dib u dhiska gobolka Kursk ee Ruushka, kaas oo burbur xooggan uu ka soo gaadhay dagaalka, sida uu sheegay madaxa amniga ee Moscow.

Xoghayaha Golaha Amniga ee Ruushka, Sergei Shoigu, oo bishii June wadahadallo kula yeeshay Kim Jong Un caasimadda Waqooyiga Kuuriya ee Pyongyang, ayaa ku tilmaamay qorshahan inuu yahay “caawin walaaltinimo ah”, sida ay werisay warbaahinta dowladda Ruushka.

Dalka dariska la ah ee Koonfur Kuuriya iyo Japan ayaa si degdeg ah u cambaareeyay qorshahan, iyadoo Seoul ay sheegtay inuu jabinayo cunaqabateynta Qaramada Midoobay ee saaran Waqooyiga Kuuriya.

Muddo bilooyin ah ayaa waxaa jiray walaac sii kordhaya oo ku saabsan iskaashiga millatari ee sii qotoda dheer ee labada waddan, kadib markii la sheegay in kumannaan askari oo Waqooyi Kuuriya ah ay Ruushka ka caawinayaan dagaalka uu kula jiro Ukraine.