Wanaagga Arrimaha Qofka Muslinka Ah !

0
209

Rasuulka Allah (scw) ayaa xadiis ku yidhi :
“ Waxaa la Yaab leh Arinka Qofka  Mu’minka ah, Arimihiisa oo Dhan Waa Khayr, Waxay Gooni u Tahay Ruuxa Mu’minka oo Kaliya, Hadii uu la Kulmo wax Wanaagsan wuu farxaa oo ku mahadnaqaa. Hadii Dhibaato Ku Dhacdana Wuu Ku Sabraa Waxayna u Noqotaa Khayr “  (Waxa Wariyay_Muslim)

Rasuulka Allah (scw)  ayaa ugu bushaareeyay saxaabadiisa (Rc) qaar ka mid ah inay gelayaan Janada.  10ka saxaabi ee Rasuulka Allah (scw) ugu Bushaarayay Janada waxa ay kala ahaayeen Abuubakar, Cumar Binu Khadab, Cali Binu Abu-dalib, Cusman Binu Cafan, Subayr Binu Cawam, Dalxa Binu Cubaydallah , C/raxmnaan Binu Cawf,  Sacad Binu Abii Waqaas, Abu Cubayd Caamir Binu Jaraax. Waxaana loo yaqaan tobankii saxaabi ee Janada loogu bushaareeyay iyagoo nool.