Waxqabadka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha ee Horumarinta Deegaanka iyo Kobcinta Nolosha Reer Miyiga

0
263

 

Qore Axmed M. Saleebaan

Hargeysa (Dawan)- Xukuumadda Somaliland ayaa qaaday tallaabo istiraatiiji ah oo ku dhisan hal-abuur cusub oo ka tarjumaya bisayl siyaasadeed iyo go’aan qaadasho ku dhisan mas’uuliyadeeda horumarinta deegaanka iyo danta guud. Mashruuca xidhitaanka Banka Qoolcaday oo ay hormuud u tahay Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyiga ayaa ah mid si weyn u taabanaya saddex tiir oo lama huraan u ah mustaqbalka bulshada reer Somaliland. Sida: Maaraynta maamulka deegaanka oo ku dhisan ka-qaybgal bulsho, ilaalinta kheyraadka dabiiciga ah ee dalka iyo dhismaha sharciyadda dowladeed oo sal adag leh.

Mashruucani waxa uu muujinayaa jihada cusub ee xukuumadda Somaliland ee uu madaxweynaha ka yahay mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ku wajahayso maareynta deegaanka, iyada oo laga guurayo dhaqankii hore ee la xidhiidha go’aan qaadashada arrimaha saamaynta ku leh nolosha bulshada iyo deegaanada dalka, kuwaas oo lagu jaan-goyn jiray xafiisyada dawladda, iyada oo aan lala tashan bulshada deegaanka.

Wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyiga, Mudane Cali Axmed Cabdi, isla markaana uu wehelinayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Axmed Cismaan Jama (Talo-same), iyo qaar ka mid ah Agaasimayaashsa waaxaha, ayaa safar wacyigelin iyo xog-warran isugu jira ku tagay deegaanno hoos yimaada Banka Qoolcaday ee Degmada Salaxlay.

Deegaannada ay booqdeen waxaa ka mid ahaa: Dhimbiryaale, Qoolcaday, Aadan-Abokor, Bali Case, iyo Gaydhka. Ujeeddadu waxay ahayd in bulshada deegaanka lagu wargeliyo, laguna dhiirrigeliyo ka-qaybgalka qorshaha xidhitaanka banka iyo diyaarinta nidaamka fulinta mashruucan cusub.

Kulamadan sida tooska ah loola qaatay dadka deegaanka waxay xoojiyeen fikradda iyo aragtida xukuumadda Somaliland ee la xidhiidha tixgelinta dareenka bulshadeeda iyo wax wada-qabashada dadweynaha iyo xukuumadda, taas oo sidoo kale muujinaysa in mashruucani aanu ahayn mid dusha lagaga keenay bulshada ee uu yahay mid dadka deegaanku ay sal u yihiin fulintiisa.

Qodobka ugu xooggan ee mashruucan ka dhigaya mid siyaasiyan muhiim u ah Somaliland waa sida furan ee ay Wasaaraddu u caddeysay in mashruucu aanu ahayn mid cid gaar ah loogu xidhayo, isla markaana aanay jirin dukumiinti qarsoodi ah oo hore u ansaxay.

Mashruuca waxa uu la jaanqaadayaa ajandaha qaran ee horumar waara iyo la tacaalidda cawaaqibka isbeddelka cimilada. Banka Qoolcaday, oo ah dooxo muhiim ah marka abaaruhu dhacaan, waxa uu u baahan yahay nidaam ilaalin rasmi ah si loo sugo: badqabka degaanka iyo daaqsinka xoolaha, ka faa’iidaysiga Biyaha roobka, ilaalinta calafka xoolaha iyo maaraynta nolol maalmeedka reer miyiga.

Mashruuca Xidhitaanka Banka Qoolcaday waa fursad taariikhi ah oo Somaliland ku dhisi karto nidaam dawladnimo oo casri ah, ku saleysan la-tashi, daahfurnaan, iyo wadaagista kheyraadka. Waa mid kor u qaadaya sharciyadda xukuumadda, kobcinaysa sumcadda Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, isla markaana horseed u noqon kara sharci guud oo lagu maareeyo kheyraadka dabiiciga ah.