Sidee Looga Faa’iidaysta Maanka?!

0
189

Aadamigu wuxu kaga duwan yahay xayawaanka kale adeegsiga maankiisa. Caqliguna marka si wanaagsan looga faa’iidaysto waxa lagu gaadha go’aamo muhiim oo duruufaha taagan lagaga gudbo.

Marka uu go’aan gaadhayo caqli shaqaynayaa wuxu adeegsada macluumaad iyo warbixino dhab ah oo muhiim ah kuwaasi oo ku go’aamiyo.  Xaaladaha muhiimka ah caqligu haduu shaqayn waayo waxa halkiisa gala caadifadda oo ku dhisan xaasidnimo, been, cunsuriyad, islaweyni iyo mala awaal aan xaqiiqo ahayn, kuwaasi oo go’aan kasta oo lagu gaadho ku dhamaado fashil iyo burbur.

Waxaana caadifadda oo aanu caqligu xakamayni keenta guuldaro uu mar danbe qofka adeegsaday xaqiiqsado khaladkiisa. Caadifaddu waxay ka dhalataa jawi la galay oo si aan ka fiirsi lahayn looga jawaabo, caqliguse xaalad kasta wuu miisaamaaya oo qiimeeya oo xaqiiqda ku miisaama ka dibna go’aanka muhiimka ee aad looga fiirsaday go’aamiyaa si marxaladda taagan looga gudbo mid ka sii fiican.  Go’aanka waxa loo gaadhaya in xaalad taagan lagu bedelo wakhti ka fiican.