Hawlagaldii dagaal ee ciidanka Maraykanku ku qaadeen dalka Veitnam kuwii ugu yaabka badnaa waxa ka mid ahaa hawlgalka lagu magacaabi jiray “ hawlgalkii rooxaanta “. Ciidamada Maraykanka ayaa adeegsanayey samaacaado waaweyn oo lagu xidhay dayuuradaha Helicobetarka, kuwaasi oo cod naxdin badan ka baahinayay cajalado lagu duubay oo habeenkii dhulka kaynta ah iyo wakhtiyada qaarkood hawada sare ka soo baxaya.
Codadka ayaa ahaa kuwo oohin iyo qalo ah iyo dad dhintay oo aragagax ku abuuraya dadka dhegaysta taasi oo lagu duubay cajalad loo bixiyay “ cajaladda Rooxaanta No:10”.
Codadkaasi ayaa ugu baaqayay in ay is dhiibaan oo aanay ka baxsan Karin rooxaanta la hadlaysa Ciidanka Fiitnamiyiinta, kuwa ooyayaana ay yihiin kuwii hore amarkooda u diiday.
Hawlgalkan ayaa ka faa’iidaystay iyagoo dadka Fiitnam aaminsana in haddii aanay ku aasin kuwa ka dhinta tuulooyinkooda ama magaalooyinkooda ay xanuunsan doonaan isla markaana ay beelayo samada kaga soo dhacayso, waana taasi tan ay ka faa’iidaysteen ciidanka Maraykanka.
Madaama ay dagaal ku jireen Fiitnamiyiintu kuwa dhinta wakhtigaasi may aasayn, sidaa awgeedna askar badan oo Fiitnam ah ayaa rumaystay codkii cajalada ka baxayay, waxaana ay ka baxsadeen goobhii dagaalka. Waxa ay rumaysteen hanjabaadii luqadooda lagu duubay ee cajaladda ka baxaysay iyo Shaydaanka samada kaga soo socda.
Hawlagalkaasi waxa ku guulaystay Maraykanka. Beentii iyo Khurafaadkii ay aamineen ayaa looga faa’iidaystay Dagaalka. Arrintan ay ka mid ahayd habka niyad jebinta iyo cabsi gelinta ku tiirsan aaminsanaanta beenta ah waa ay ka halis badan tahay noocyada kale ee xidhiidhka la leh cilmi nafsiga dagaalka” Warfare Psychological”.

























