Cidi Noogama Lexe-jeclo Badna Sugida Amniga Ummadayada” Taliyaha Ciidanka Booliska

0
156

Qore C/wahaab Daahir Xasan.

Hargeysa (Dawan)- Taliyaha guud ee ciidanka Booliiska Jamhuuriyadda Somaliland, sarreeya guuto Cabdiraxmaan Cabdillaahi Xasan, ayaa sheegay in ay gacanta ku hayaan baadhitaanka dhacdadii habeenkii Axadda ee todobaadkan ninka hubaysani ku dilay labada qof magaalada Hargeysa, kaas oo ay soo qabashadiisa ku daba jiraan.

Dhallinyarada la dilay oo lagu kala magacaabi jiray Khadar Ibraahim Maxamed, 23 jir ah, iyo Suldaan Axmed Cabdillaahi oo 22 jir ah, ayay booliisku sheegeen in baadhitaan lagu hayo kiiskooda, sidoo kale taliyuhu, waxa uu xusay in dhawaan ay bulshada la wadaagi doonaan natiijada eedaysanahaasi.

Taliyuhu waxa kale oo uu tilmaamay in 31 dil ay dalka ka dhaceen mudadii uu xilka hayay, waxa uu caddeeyay in 30 kiis loo qabtay eedaysanayaashii geystay, marka laga reebo eedaysanahan hadda dilka geystay oo isagana lagu dabo joogo. Taliyaha oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Magaalada Hargeysa dil fool xun ayaa ka dhacay dhawaan, kaas oo ay ku dhinteen laba marxuum oo dhallinyaro ah, isla markaasina ay dishay gacan ka xaqdarani. Ciidanka booliska JSL, baadhitaanka arrintaasi gacanta ayuu ku hayaa, natiijo cadna dhawaan ayuu ka soo saari doona haddii ILLAAHEY yidhaahdo.”

Taliyaha guud ee ciidanka Booliiska Jamhuuriyadda Somaliland, sarreeya guuto Cabdiraxmaan Cabdillaahi Xasan, oo ka hadlayay kiisaska dilka ah ee dhacay muddadii uu ahaa taliyaha ciidanka iyo sida ay xaliyeen ciidamada booliska JSL, waxaanu yidhi “Mudadii shanta bilood ahayd ee aan ahaa taliyaha ciidanka booliska JSL, 31 dil ayaa dalka ka dhacay, ciidamada Boolisku waxay gacanta ku soo dhigeen 30-kii eedeysane ee dilka geystay ee kan hadda ka horeeyay, kuwaas oo dhammaantood aanu gacanta ku dhigney ILLAAHEY-na wuu ku guuleeyay ciidamada, kan hadda dhacayna waxaan ku rejo weynahay in aanu ku guuleysan doono oo aanu baxsan doonin  gacan ku dhiigle iyo qofkasta oo danbi qaranka ka galaa”.

 

Taliye Cabdi Dheere ayaa sheegay in aanay jir cid uga lexejeclo badan sugida amniga dalka oo ay u taagan yihiin 24 ka saac, waxaanu bulshada ka codsaday inay ciidanka kala shaqeeyaan suggida amniga taasina ay tahay waxa kaliya ee ay ciidanku wax ku qaban karaan, waxa kale oo uu u soo jeediyey inay faraha kala baxaan dad uu sheegay inay siyaasadaynayaan arinta ninka la raadinayo ee ku eedaysay inuu gaysta dilka laba marxuun. Waxaanu yidhi “Waaxan lee yahay cidi noogama lexejeclo badna sugitaanka amniga ummadayada, annagaa u taagan hadh iyo habeen, waxa aanu u taaga nahay inaanu sugno amniga bulshada, amniga bulshadana waxaanu sugi karnaa marka ay bulshadu nala shaqayso, waxaanu ka cosanaynaa cid kasta oo arintaa war ka haysaa inay u soo gudbiso ciidanka Booliska, dadka ka hadlaya meelahaa ee arintaa siyaasadaynaya, waxaan u soo jeedinaynaa inay arintaa faraha kala baxaan oo ay isu daayaan dambiilaha iyo Booliska”.

Geesta kale Taliyaha ciidanka Booliska Somaliland ayaa ka hadlay arinta Suldaan dhawaan lagu xidhay Magaalada Berbera Taliyaha ayaa sheegay in darajo kasta oo qofku lee yahay uu gali karo dambi, la xidhi karo isla markaana la horgayn karo Maxkammad, taasi bedalkeeda aanay ahayn wax shacabku u mudaharadaan oo loo khal-khaliyo amniga, waxaanu shacabka u soo jeediyey inay is dajiyaan, kana war sugaan ciidanka Booliska. Waxaanu yidhi “Qofku derajo kasta ha lahaadee, dambi wuu gelayaa, waana la xidhayaa, Maxkammad baana la gaynayaa, haddii lagu helo dambiga maxkammad baa la saarayaa hadii lagu waayana waa la sii daynayaa, maaha wax loo mudaharaado ama amniga loo khal-khaliyo. Bulshadana waxaan leeyahay is dejiyo, kana warsuga ciidanka Booliska”.