Qormada Koobaad ee Barnaamijkeena Arimaha Bulshada Todobaadkan waxaan kaga hali doona ku dhawaad 250 Qoys oo danyar ah oo Dawlada Hoose ee Hargeysa siisay dhul ay degaan iyo dareenkii ay ka muujiyeen raristoodii, haddaba shaqaalaha Dawladda Hoose iyo dhammaan madaxda kala duwan ee Dawlada Hoose ee Hargeysa oo uu hogaaminaayey Maayirka Caasimadu Cabdikariin Axmed Mooge ayaa shalay dhexda u xidhay sidii ay qoysaskan danyarta ah u gayn lahaayeen goobihii ay Dawladda Hoose siisay si ay u dagaan, kuwaas oo ay ka rareen goob dad gaari lahaa oo ay mudo dheer degenaayeen halkaas oo ay sheegeen inay dhibaatooyin ku qabeen.
Mauuliyiin kala duwan oo halkaa ka hadlay ayaa sheegay inay rareen qoysas danyar ah oo ku dhaw, 250 qoys oo muddo 15 Sanno ah degenaa goob aanay lahayn oo ku taala Degmada Maxamed Mooge, waxana ay intaa ku dareen inay Qoysaskani imika nasiib u heleen goob ay iyagu leeyihiin oo ay ka dhisan karaan dhismayaal ay iyagu xor u yihiin iyaga oo ka raysan doono dhibkii ay ku qabeen goobtii hore oo aan xataa loo ogolayn inay ka dhistaan musqulo ama suuliyo ama dhismayaal ay gaar u leeyihiin.
Waxana xusid mudan in maayirka iyo dhamaan shaqaalaha Dawlada Hoose ee Hargeysa ay aad uga qayb qaateen rarista iyo dejinta dadkaasi danyarta ahaa iyaga oo xataa la dhisay Guryihii ay gali lahaayeen waxana halkaasi hadalo mahad celin ah ka soo jeediyey qaar ka mida Qoysaskii danyarta ahaa ee la soo raray iyaga oo aad ugu duceeyey Maayirka Hargeysa iyo guud ahaan madaxda iyo Shaqaalaha Dawlada Hoose ee Hargeysa waxana ka mid ahaa hadaladoodii “hooyo waan idiin duceeyey maayirka caasimada ina Mooge waan u duceeyey maayirka Alle ha raajiyo anaga oo aan dhul haysan oo dad kale dul saran ayaa manta nala siiyey dhul aanu leenahay”.
Sidoo kale qaar ka mida Caruurtii ku dhalatay dhulkaa manta laga raray ayaa iyaguna ka hadlay dareenkooda waxaana ka mid ahaa “15 sanno markaan dhalashay anigu dhulkaa aanu degenayn waxa lahaa dad anagu maanu lahayn maanta nalaga raray waanu ku faraxsanahay in la keenay dhul aanu leenahay”.
Sidoo kale waxa halkaasi ka hadlay Maayirka Caasimada Hargeysa Cabdikariin Axmed Mooge waxaanu aad ugu nuux nuuxsaday sida uu ugu faraxsanyahay in ka dawlad Hoose ahaan ay ku guulaysteen inay dhul u gaara siiyaan Danyartaa iyo sidii ay u soo rareenba waxaanu yidhi “diyaar garawgii aanu bilawnay Habeen hore iyo shaqadii rasmiga ahayd ee aanu saaka lixidii bilawnay alxamedilillaah Illaahay wuxuu noo sahlay inaanu dadkeena ka soo qaadno meelihii ay ku dhibanaayeen halkana keeno waanan ogahay in maalmaha degistu dhib badan tahay lakiin waanu la joogaynaa inta ay ka degayaan dhul nabdoon oo ay iyagu leeyihiin”.
Maayirka ayaa sidoo kale u mahad celiyey shaqaalihii saacadaha badan naftoodo u huray sidii ay dadkooda ugu shaqayn lahaayeen iyo cidamadii booliska ee ka qayb qaatay ilaalilnta amaanka iyo caawinta dadkooda danyarta ah ee la soo raray.






















