Socodka Ha Joojin Waad Gaadhaysaa!

0
154

Subaxanimadii 22 Bishii June sanadkii 1983, Istaanka  tareenku ka dhaqaaqo ee ku taalla caasimaadda Japan ee Tokoyo waxa istaadhmi waayay Tareenka saacadaasi baxyay, waxaana wakhtigaasi saara rakaab dhan 2500, qof oo qaarkood shaqooyinkooda u socday iyo qayb kale oo hawlo iyaga u gaar ah rabay. Dhamaan Farsamayaqaanadii xarunta joogay ayaa isku deyay inay Tareenka cillada ka saaraan oo ay istaadhaan, si ay usoo afjaraan cabashada rakaabka wakhtiga ka lumiya diidan, ee canaanta iyo calaacalka wada.

Ugu danbayntii Baadhis dheer, waxa cadaatay in cayayaan aad u yar oo 3 mm oo keliya ahi, uu ku dhegan yahay Mishiinka gudihiisa, kaas oo sabab u noqday cillada ku timi tareenku in uu istaadhmi waayo.

Marka arinkaasi loo fiirsadana waxa iska cad in nolosheena waxyaabo yar oo aynaan arkayn ku noqonayaan carqalad joojisa halka aynu rabno in aynu u dhaqaaqno, laakiin waa in aan baadhnaa oo xalka helaa, si aan socodka u sii wadano oo aynaan u fashilmin.