Xarunta Lagu Daweeyo Walaaca Iyo Murugada !

0
139

Xabsiga dhexe  ee ku yaalla Magaalada Sandaredy  ee dalka Hinidiya oo uu dhisay gumaystihii Ingiriiska ayaa  wakhtigan u sheqeeya si yaab badan.  Jeelkan ayaa dadka u xiisooda in la  xidho ay soo codsadaan inay iska dhigaan maxaabiis.  Maxbuuska kasta oo jeelka codsada in lagu xidho waxa laga qaada 24kii saac, lacag dhan 7.5 Doller, waxaana u sexeexa warqada ogolaanshaha in  loola dhaqmayo sida maxbuuska xidhan ee dhabta ah mudada uu ku jiro jeelkan.

Jeelka oo ay joogaan askarta ilaalada ah ayaa dadka la soo xidho ula dhaqam sida maxaabiis caadi ah iyagoo u geliya dirayska cad ee maxaabiista, isla markaana lagaga sheqeeya alaabooyinka jeelku u baahdo sida rarka iyo dejinta agabka jeelka loo keeno ama laga qaadayo (Xamaalidda),nadaafadda iwm.

Raashinka la siiyo dadka xidhan waxa uu la mid yahay midka la siiyo  maxaabiista caadiga iyadoo jeelka dhexdiisa lagu kariyo. Askarta ayaa isticmaasha siidhiga marka ay doonayaan inay soo galaan laynka ay raashinka madbakha kaga soo qaadanyaan.

Jeelkan dadka isku xidha ayaa u badan dadka hantida leh iyagoo qoysaskooda ka codsada inay jeelkan ku soo booqdaan, iyagoo u arkaya inuu xidhan yahay oo naxariisna u muujinaya.

Waana dad noloshu ka marin habowday oo ku  jira walaac iyo werwer joogta kaasi oo ay doonayaan inay jeelkaasi iskaga dejiyaan. Maalintii la sii daayo ayuu farxad u arkaa oo qoyskiisu ay debedda ku sugaan iyagoo faraxsan oo ku dhegdheya sida qof xorriyadiisa dib u helay