Qore: Axmed M. Saleebaan
Hargeysa (Dawan)- Weftiga uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Daahir Aadan, ayaa socdaalkoodi shaqo ee Taiwan ku muujiyey wejigii ugu dambeeyey ee xidhiidhka sida weyn u siii xoogeysanaya ee u dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo Taiwan, iyada oo Jimcihii todobaadkan ay weftigu kulan rasmi ah la yeesheen hay’adda ICDF, taas oo ah hay’adda dalkaasi Taiwan u qaabilsan fulinta iskaashiga caalamiga ah.
Kulankan oo ay si diirran ugu soo dhaweeyeen mas’uuliyiinta sare ee ICDF, waxa si qoto dheer loogu falanqeeyey jihada cusub ee iskaashiga Somaliland iyo Taiwan, gaar ahaan xoojinta adeegyada caafimaadka, horumarinta wax-soo-saarka beeraha, waxbarasgada, dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha, kobcinta tababarada xirfadeed, iyo teknoolojiyadda casriga ah. Arrimahaasi waxa ay udub-dhexaad u yihiin himilada xukuumadda Somaliland ee ah in la helo horumar la taaban karo oo waara.
Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa si cad u muujiyey mahadnaq iyo qadarin qoto dheer oo uu u hayo taageerada ICDF, isaga oo ku bogaadiyay sida mashaariicda ay hay’addu ka waddo Somaliland ay uga qayb-qaataan horumarinta nolosha shacabka JSL. Wuxuu sidoo kale muujiyey in iskaashigu aanu ahayn mid ku kooban hal dhinac, balse uu salka ku hayo mabda’a wax-wada-qabsi, is-ixtiraam iyo dan-wadaag.
Kulanka ICDF wuxuu daba socday heshiis istiraatiiji ah oo dhinaca amniga badda ah oo ay labada dal kala saxeexdeen, taas oo Somaliland u ah fursad lagu xoojinayo ilaalinta biyaha ay xuduud ahaan mas’uulka ka tahay, xilli ay arrimaha baddaha caalamku ay noqdeen kuwo sii kordhaya muhiimaddooda istiraatiiji.
Iskaashiga u dhexeeya Somaliland iyo Taiwan, wuxuu noqday astaan cusub oo ka tarjumaysa dedaalada diblumaasiyadeed ee xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland iyo sida qarankan curdinka ahi u kasbanayo kalsoonidas caalamka iyo sida Somaliland ay xidhiidhadeeda dibada ugu dhistay siyaasad arrimo dibadeed oo ku qotoma caadacnimo iyo mabaadida guud ee danaha dalka iyo dadka,
Mashruucyada ICDF ayaa ah tiir muhiim ah oo kor u qaaday sumcadda Somaliland iyo rajadeeda horumarineed ee gobolka Geeska Afrika. Iyada oo xukuumadda wadajir iyo waxqabad ay si weyn ugu hawlantahay dhisidda xidhiidho toos ah oo wax-ku-ool ah, kuwaasoo u horseedaya koritaan muuqda, nolol tayo leh, iyo gooni-isu-taag macno leh.






















