Waxba Ha Ii Sheegin!

0
168

Qisaska Falsafadda Iyo Faylasuufka!

Faylasuufkii Giriiga ah ee Socrates waxa uu ah mid aan Xisaabta iyo sayniska midna waxa uu daneeya tayada naftiisa iyo ta dadka kale. Falsafadda Socrates waxay baadha sida loo noolaan karno. Taasi waxay keentay inuu ka doodo arrimo kala duwan, sida xikmadda.

Maalin ayuu Nin u yimi faylsuufkii Socrates waxaana uu doonayay in uu waxa uga sheego arrimo badan oo ku saasban nin saaxiibkiis ah. Markaasi ayu uku yidhi Socrates:
“ Inta aanad ii sheegin arrimaha aad iiga sheegayso saaxiibkay aan ku weydiiiyo saddex su’aalood ee ka jawaab:

  1. Ma hubtaa in ay run yihiin waxa aad ii sheegayso?
  2. Ma yihiin wax wanaagsan?
  3. Ma leeyihiin wax faa’iido ah?

Ninkii ayaa cadeeyay in aanay buuxinayn saddexda shardi. Socrates ayaa markaa ku yidhi:
“Haddii aanay run ahayn, Wanaagsanayn, faa’iido lahayn.  Maxaan uga baahanay inaad ii sheegto?” Waxba ha ii sheegin!

Waxa muhiim ah inta aanad arrin ka warramin in aad ka fiirsato, runimada, wanaagga iyo faa’iiadad ku jirta waxa aad sheegayo. Haddii aanay waxba ku jirin iska dhaaf sheegideeda.