- Qofka aan cabin biyaha waayo aragga wuxu ku dhintaa saxaaraha isagoo haraadan, noloshu waa dugsi, macalinkeeduna waa casharada waayaha
- “Nebi Muse (cs) isagoo Ilmo yar ah ayay badu badbaadisay oo nabad galisay, Fircoona isagoo awood badan oo ciidan xoogan wata ayay badu hafisay, maaha awoodaada, xikmadu waa in Allah (sw) kula jiro”.
- Safar waxa loo yidhi waxa ku raaca akhlaaqda iyo anshaxaaga
- Haddii Biyuhu hadlayaan waxay ku odhan lahaayeen dad badan “ Qalbigaaga maydha ka hor inta aanad jidhka sare maydhin”.
- Bixinta Sadaqada ku dadaal haba yaraatee. Sadaqadu waxay bakhtiisaa xumaanta, qalbigana way farxad galisaa, hammigana way kaxaysaa, risiqana way badisaa.
- Qofka qalbigiisu fiican yahay wuxuu arkaa wanaagga, gaadhiistiina waa ku dadaala
- Qofka qalbigiisu buko, wuxuu arkaa xumaanta waana ku mashquula.

























