Qofku Waa Cidda uu la Fadhiisto

0
500

“Saaxiibkaa ii sheeg aan qofkaad tahay ogaadee”. Waa odhaah la isticmaalo, waxa looga jeedaa qof kasta cidda uu raaco ama la fadhiisto ayuu yahay. Sidaas oo kale qof kastaa waxa uu jecel yahay ama ka shaqeeyo ayuu ka hadlaa. Waxa jiray saddex nin oo deegaan ku wada noolaa, nin wuxuu ahaa taajir,nina faqiir, midna wuxuu qabay gabadha deegaan ugu quruxda badan.

Ninka Taajirka ahi had iyo jeer dadka waxa uu kala hadli jiray in aan wax la xadin, tuugada la iska daayo, qofka Muslimka ah xoolihiisu kaa xaaran yihiin. Kan faqiirka ahina waxa uu ka hadli jiray waar sadqada iyo sekada bixiya, waar dadka faqiirka ah wax hala siiyo. Kan gabadha quruxda badan qabayna had iyo jeer waxa uu dadka ku odhan jiray, waar indhaha laaba, indhaha kor ha u qaadina markaad dariiqa fadhidaan. Waxa jirtay odhaah carabi ah oo tidhaahda “Qofku waa cidda uu la fadhiisto”. Xadiis kale waxa uu Nebigu(scw) inoogu sheegay in qof yahay saaxiibkii ama diinta saaxiibkii, sidaas ayuu u yidhi: “midkiin ha iska eego cidda uu la saaxiibayo”.

La fadhiisiga culimada ama dadka wanaagsan waxay qofka u kordhisaa wanaag iyo hannuun, la fadhiisiga dadka xun  iyo faasiquiintuna waxay qofka u kordhisaa xumaan iyo inuu dunuubta ku dhiirado. Masjidkii Nebiga ee Madiina Asxaabi la yidhaahdo Rabiica ayaa ka akhriyi jiray xalaqda ama tacliinta, haweenay ayaa Inankeed oo yar u soo xidhi jirtay dharka culimada, Cumaamad iyo koofiyad, waxay ku odhan jirtay “Orod oo Masjidka tag oo tacliin Rabiica dhegeyso”. Waxa lagu yidhi “Muu gaadhin halkan ee horta tacliinta soo bar”. Waxay tidhi “waxaan doonayaa intaanu tacliinta baran inuu tarbiyada barto”.

Qofku waa cidda uu laasimo ama uu la fadhiisto ayuun buu noqonayaa. Kitaabka Sharax Bukhaari la yidhaahdo wuxuu tusaale ugu soo qaatay fadhiyo kala duwan ama Majaaliis.  Wuxuu soo qaatay 8 qaybood dadka ama bulshada ka mid ah qofkii la fadhiistaa waxa uu ka helayo ama ka siyaadsanayo.

1-    Qofka la fadhiista ama laasima Majaaliista Aqniyada, wuxuu ka helayaa ama ka siyaadsanayaa adduunyo Jacayl iyo doonisteeda.

2-    Qofka badsada la fadhiisiga foqorada ama Saboolka waxa uu noqdaa mid raali ku noqda qaybaha Ilaahay, sidaas oo kale waxa uu noqdaa mid mahadnaq badan.

3-    Qofka badsada ama laasima fadhiga Boqorada iyo madaxda waxa uu ka siyaadsanaa qalbi adayg, kibir ama isla weyni.

4-    Qofka badsada fadhiga Haweenka wuxuu ka siyaadsadaa shahwaad iyo jahli.

5-    Qofka laasima la fadhiisiga carruurta, wuxuu ka siyaadsadaa ciyaar iyo amaan.

6-    Qofka laasima fadhiga dadka xun ama faasiqa waxa uu ka korodhsadaa ku dhiirashada denbiga iyo Towbada oo uu dib u dhigto ama ilaawo.

7-    Qofka badsada fadhiga dadka saalixiinta ah (dadka wanaagsan) waxa uga kordha Jacaylka daacaadka Ilaahay ama Jacaylka qaadashada Amarka Alle.

8-            Qofka badsada fadhiga ama Majaaliista culimada waxa uga kordha Aqoon iyo xalaal miirad.

Qof kastaa Majaaliista uu fadhigeeda badsado ayuu waxa ka jira ka sheekeeyaa. Nebigu waxa uu ahaa Macallinkii ummada loo soo saaray. Waxa uu tusaale inaga siiyey la fadhiisiga saaxiibka xun iyo saaxiibka wanaagsan. La fadhiisiga saaxiibka xun waxa uu ku tilmaamay qof Ninka birta tumaya ee daba buufinaya ag fadhiya, halka saaxiibka wanaagsana uu ku tusaaleeyey qof Cadarka udgoon ee Miskiga la yidhaahdo iibinaya.

Qofka dabka shidaya ee birta tumaya qofka ag fadhiyaa muxuu ka helayaa? Waxaad ka helayaa: Inuu maryaha ka gubo iyo ur qadhmuun. Qofka cadarka iibinaya qofka ag fadhiistaa wuxuu ka helayaa saddex: inaad ka iibsato, inuu ku siiyo iyo ur wanaagsan.