Xukuumadda JSL oo Daah-furtay Siyaasadda Qaran ee Tayeynta Adeegyada Caafimaad-ka

0
102

Hargeysa (Dawan)- Waxaa si rasmi ah magaalada Hargeysa looga daahfuray Siyaasadda iyo Istaraatiijiyadda Qaranka ee Tayeynta Adeegyada Caafimaadka, iyada oo uu hoggaaminayay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka, Dr. Axmed Maxamuud Jaamac. Tani waa tallaabo muhiim ah oo muujinaysa sida ay Wasaaradda uga go’an tahay horumarinta adeegyada caafimaadka ee dalka, iyadoo la eegayo baahiyaha bulshada iyo isbeddellada casriga ah ee dhinaca daryeelka caafimaadka.

Siyaasaddan cusub ayaa ah mid sal u ah hagaajinta nidaamka caafimaadka, gaar ahaan tayada adeegyada isla markaana si hufan loo gaadhsiiyo muwaadiniinta. Waxay si gaar ah diiradda u saaraysaa in la helo adeeg caafimaad oo hufan, caddaalad ku dhisan, muddaysan, isla markaana la isku halleyn karo. Waxa ay sidoo kale si cad u qeexaysaa jihada lagu horumarinayo, lagu kormeerayo, laguna qiimaynayo adeegyada caafimaad ee dalka.

Mashruucan tayeynta caafimaadka (National Health Care Quality Improvement), oo sal u ah siyaasaddan, ayaa socday muddo laba sanmo ah, waxaana si dhow uga qayb qaatay bahwadaagta caalamiga ah sida Kings Global Health Partnership (KGHP), World Health Organization (WHO), iyo Global Health Partnership. Ka qaybgalka hay’adahan caalamiga ahi waxa uu muujinayaa sida ay muhiim u tahay iskaashiga heer caalami iyo mid maxali ah si loo gaadho yoolalka caafimaad ee qaranka.

Munaasibadda daahfurka, oo ahayd mid si heer sare ah loo agaasimay, waxa ka hadlay masuuliyiin dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen Agaasimaha Waaxda Qorsheynta, Guddoomiye ku-xigeenka Guddida Dhawrista Tayada Qaranka, iyo masuuliyiin kale oo tiro badan, kuwaas oo si qoto dheer u sharraxeen muhiimadda ay leedahay tayeynta adeegyada caafimaadka, iyaga oo xusay in tayada adeegga ay sal u tahay kalsoonida shacabka, badbaadada bukaanada, iyo horumar waara.

Gebogabadii, daahfurka Siyaasaddan iyo Istaraatiijiyadda Qaranka ee Tayeynta Caafimaadka waxa uu astaan u yahay bilow cusub oo lagu hormarinayo nidaamka caafimaad ee dalka. Waa himilo qaran oo u baahan taageero, kormeer joogto ah, iyo wada-shaqeyn dhaxal gal ah oo u dhaxaysa dowladda, bulshada rayidka ah, iyo bahwadaagta horumarineed.