Dhibta Waayaha Iyo Dadaalka!

0
171

Gabadha Joanne Rowling oo u dhalatay dalka Ingiriiska ayaa u safartay dalka Bortiqiiska si ay uga hesho shaqo macalinimo. Halkasi ayay ku guursatay nin,  laakiins sanad ka dib waa ay kala tegeen ninkaasi, markii ay u dhashay  gabadh.

Haddaba Markii noloshii ku adkaatay ayay Dalkeeda dib ugu soo noqotay iyadoo ah hooyo iyo gabadheeda yar ah.   Joanne Rowling waxay isu aragtay markii ay shaqo weyday ee xaalkuna ku xumaaday inay nolosha ku fashilantay waxaana ku dhacay xanuunka werwerka sida darteed waxay goosatay inay nafta iska jarto oo dunida maca salaamayso.

Laakiin wakhtigaasi nasiib wanaag xukuumadda ayaa u oglaatay inay qaadato lacagaha kaalmada ah ee la siiyo dadka baahan.

Waxase Joanne Rowling ay ku fikirtay inay qoraalo samayso sababtuna waxa ay ahayd iyadoo hiwaayad u lahayd samaynta qoraalada. Waxaana ay bilowday qoraalka iyadoo soo saartay silsilad buugaagta Hary Poter oo aad loo jeclaaday qisaska ku qoran.

Sanadkii 2004 waxa ay noqotay qoraaga aad loo xiiseeyo buugaagtiisa waxaana ay ka heshay hanti gaadhaysa bilyano doller ah.  Joanne Rowling  Waa qoraaga ugu badan ee dunida buugaagta silsilada ah ee uu qortay aad loo iibsado taariikh ahaan.  Waxaana buugaagta silsiladad ee ay qortay la iibsaday 500 milyan oo nuskhadood.  Forbes ayay iyaduna u aqoonsatay inay tahay qofka keliya ee hal bilyan oo doller ka sameeyay buugaagta.  Qofka kasta waa in uu ka faa’iidaysto awoodihiisa gaarka iyo hiwaayadda uu leeyahay, waan taasi ta u uku gaadhi karo guusha.