Qisada: Dulqaadka Badan Iyo Nolosha Waangsan

0
143

Waxaa jiray nin caqil badan oo degganaa tuulo yar. Ninkan waxaa lagu bartay dulqaad badan isagoo aan marnaba cadhoon, xitaa haddii dadku aflagaadeeyaan ama ku xadgudbaan. Maalin ayaa nin ka mid ah dadka degaanka uu go’aansaday inuu tijaabiyo dulqaadka ninkan, isagoo doonayay inuu ka cadhaysiiyo.

Ninkii ayaa u tagay caaqilka waxaana uu bilaabay inuu si aan wanaagsan ula hadlo, aflagaaddana iyo erayo xun-xun. Laakiin ninkii caaqilka ahaa marna muu u jawaabin waana uu amusnaa, isagoo weliba si deggan u dhegaysanayay.

Markii ninkii aflagaaddadii ku daalay, caaqilkii ayaa si deggan u yidhi:
“Saaxiib, haddii qof  aad hadiyad loo keenay uu diido hadiyaddii, yaa qaadanaya hadiyaddaas?”
Ninkii ayaa ku jawaabay: ” Hadiyaddu waxa iska yeelanaya qofkii bixinayay maadaama qofkii kale ee la siiyay uu diiday.”
Caaqilkii ayaa yidhi: ” Haddaba waa sidaasi , aflagaaddadaada waan diiday, sidaa darteed, adiga ayay kugu soo noqonaysaa, iska hayso.”

Ninkii ayaa aad uga xumaaday waxa sameeyey, waxaana bartay in dulqaadku yahay awood weyn oo lagu xakameeyo xaaladaha adag.

Dulqaadku wuxuu ka ilaaliyaa qofka inuu jawaab celin degdeg ah bixiyo, waxaana uu bulshada uu keena xasillooni iyo wada noolaansho.