Caalamka waxa soo maray dagaalo kala duwan. Dagaalkii Anglo Zanzibar waxa uu ka dhacay dalka Sinsibar oo hadda qayb ka ah dalka Tansaniya. Dagaalkan wuxuu dhacay markii Sultan Hamad bin Thuwaini oo taageersanaa Ingiriiska uu geeriyooday, waxaana xilka si lama filaan ah ula wareegay Sultan Khalid bin Barghash, kaasi oo aanay ogolayn gumaystihii Ingiriisku.
Ingiriiska waxa uu doonayay in uu xilka la wareego hoggaamiye isaga taagersan oo la jaanqaadaya, laakiin Sultan Khalid waa uu ka dhigo adaygay inuu xilka baneeyo. Arintaasi ayaa sababtya dagaalka.
Bishii August 27kii sanadkii 1896, markii saacaddu ahayd 9 subaxnimo ayuu Ingiriisku ku amray Suldaanka in xilka baneeyo. Laakiin laba daqiiqo ka dib waxa uu Ingiriisku bilaabay duqayn xoogan oo Marakiibtiisa ka soo dhacaysay.
Markii ay saacaddu gaadhay 9:40 daqiiqo waxa dhamaaday dagaalkii ka dib markii la dumiyay qasrigii Suldaanka iyadoo ciidankiisa ay ka dhinteen 500 askari. Waxaana loo yaqaana dagaalkii ugu mudadad gaabna caalamka. Caalamka waxa la isku xukumaa sida loo kala awood badan yahay.

























