Dantaada Waxad Ka Dhex Arkaysaa Danta Guud!

0
118

Waa jir dad ay adag tahay ina ay saameyn ku yeelato dabeecadaha dadka khariban ee ku hareeraysan, waxa ay awood u leeyihiin inay maamulaan fikirkooda, hadalkooda iyo dhaqankooda intaba.

Waxa jira dad hadaf iyo ujeedo  u samaysta arrin kasta oo ay ku dhaqaaqaan, dhamaan hawlahooda ma fuliyaan  iyagoon hadaf ujeedo lahayn.

Nooc dadka ka mid ahi waxa uu aqbala dabeecadaha dadka kale, haddii uu xun yahay iyo haddii uu wanaagsan yahayba. Waxaana uu ula dhaqmi karaa si wanaagsan isagoo raali ka ah.

Nooca dadkan waa kuwo tayo leh oo isu dheelli tira danahooda shakhsiga ah iyo danta guud, iyagu wax kasta islama rabaan oo islama jecla , waxa ay jecel yihiin inay dantooda ka dhex arkaan danta guud.

Nooc kale oo Dadka ka mid ah ayaa  dulqaadkoodu badan yahay, howl kasta oo ay qabanayaan kama muuqato degdeg, waxa dhici karta ina ay gacan culays iyo raajin leeyihiin, laakiin waa dabci ku dhisan ka fiirsi, degenaansho iyo adkaysi oo aanay hawshu waxba yeelayn mudada ay gudanayaan, iyagoo keliya doonaya inay fuliyaan waxqabad tayo leh.

Dadka qaarkood ayaa caqabad kasta oo nolosha ah oo soo waajahada si fudud u maarayn kara iyagoon dareemin murugo iyo niyad jab midna.  Haddaba qof waa in aanu noqon qof  hawlaha uu qabanyo aan samaysan ujeedo. Waana in aanu noqon mid cadho badan oo wax kasta ka eegaya dantiisa gaarka ah, nooca dakani waa kuwa fashilka hawlahoodu ku dhamaadaan. Danta guud ayay  xidhan tahay dantaada gaarka ahi., hadba sida aad uga shaqayso ayay ku jirta guushaada iyo tan bulshadaada.