Farxadda Dhabta Ah Iyo Nolosha Wanaagsan!

0
157

Nin maalqabeen ah oo safarkiisu aad u badnaa, ayaa maalin la kulmay nin Kaluumaysto ah oo xeebta fadhiya, ninkaasi oo aad u faraxsanaa oo dhoolla caddeynayay.
Maalqabeenkii ayaa weydiiyay waxa uu Meesha ka qabanayo?. Waxaana uu ugu jawaabay waan iska raaxaysanayaa, anigoo farxsan.   Maalqabeenkii ayaa ku yidhi : “ maxaad ka shaqaysaa? Kaluumaystaha ayaa ku jawaaabay : “ Kaluunka ayaan dabtaa, oo aan qoyskaga ku quudiyaa”.

Maalqabeenka ayaa ku yidhi “ Maxaad u shaqo tegi weyday si aad lacag u hesho?

Ninkii Kaluumaystada ayaa ugu jawaabay:
“Maxaan lacag ugu baahanahay? Waxaan leeyahay qoys, waxaan haysataa cunto, iyo farxad.” Waxba lacag ugama baahni.
Farxadda dhabta ah lagama helo wax badan oo aad haysato iyo lacagta, waxa laga helo qalbiyada ku qanacsan wax ay haystaan haba yaraadane.  Waxa badan maalqabeen aan werwer seexan iyo sabool hurddo macaan farxad ku seexda.

Nolosha wanaagsan waa dareen gudaha iyo ruuxda qofka ah, maaha xaalad dibadda ah iyo hantida aad haysato.