Sicir Bararka Maceeshada, Duruufaha Dadka Danyarta ah iyo Xog Raadinta Wasaaradda Arrimaha Bulshada

0
379

Sicir Bararka Maceeshada kala duwan ayaa noqday mid markasta kor u kiciisu uu taabto nolosha bulshada,waxaanu is gaar ah u saameeya nolosha bulsahda danyarta ah ee aan awoodin in ay duruufaha nololeed u saamaxaan in ay iibsan karaan maceeshada hadba  uu kur u kaa qiimihu ku sii darsamayo.

Waxaanay xukuumadda ugu baaqeen in ay wax ka qabato sirir bararka maceeshada oo ay sheegeen in ganacsatadu  ku dar oo keliya ay yaqaanaan oo aanay jirin marnaba shay kor u kacay oo dib wax uga dheceen wax kusii kodha mooyaane.

Haddaba Qormada koobaad ee Barnaamijkeena Arrimaha Bulshada waxaan kaga hadli doonaa dhibaatooyinka kala duwan iyo duruufaha adag ee dhanka nolosha ee ay waajahayaan inta badan Qoysaska dan yarta ah ee ku dhaqan Caasimada Hargeysa kuwaas oo aad uga cabanaaya sicir barar iyo dhaqaale la,aan ba,an oo haysata taas oo keentay in  ay dabka shidan waayeen maalmaha qaar in badan oo ka mida Muqaadiniinta ku nool Caasimadu.

Hooyo Aamina Nasiye waxay ka mid tahay Hooyooyinka ku dhaqan Hargeysa waxana ay ii sheegtay in ay haysato duruuf adag oo nololeed iyada iyo Qoyskeeda oo ka kooban 9 Ruux waxana ay intaa ku dartay in aanay waligeed arag Wakhtigan oo kale waxaanay tidhi “waxaan ahay qof wayn waligay ma arag Noloshan oo kale waxaan la yaabannahay maceeshadan aan waxba ka dhacahayn inay kor u sii kacdo mooyee imika waxba lama goynayo oo kii wax yar haystay iyo kii aan haysan waxba isma dhaamaan hayeeshee dan yartii aad bay u liidataa, wax kale iska daaye xataa kuwii ladnaa ee Biilkooda helayay ayaa yaaban oo waxba uma goynayo wixii ay haysteen waayo wixii kor loo qaadaaba waa cirkaa, markaa waxaan leeyahay Alle ha sahlo wax kale garan maayee”.

Hooyadan oo aan ku kulanay suuqa Hargeysa ayaa Dawlada Somaliland ugu baaqday inay hoos u eegto Shacabkeeda baahan ee la baaxaa dagaya wakhtigan adag.

In kasta oo ay duruufaha ay ka cabanayaan bulshada Somaliland ee dan yarta ahi badan yihiin haddana waxa ugu badan ee ay cabashada ka muujiyaan ayaa ah qiimaha maceeshada, Goobaha Caafifaadka, Waxbarashada iyo Biyaha iyaga oo sheega in aanay awoodin qiimaha baadhista iyo dawaynta ee goobaha Caafimaadka iyo sidoo kale waxbarashada oo qaali ah.

Geesta kale xukuumada Somaliland ayaa ku hawlan ka wardoonka iyo xogogaal u noqoshada Baahiyaha Bulshada gaar ahaan kuwa Caasimada ayaa dhawaan Wasaaradda Shaqada, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska, gaar ahaan Waaxdeeda Qoyska iyo Haweenka, waxay kulan muhiim ah la yeelatay guddiyada arrimaha bulshada ee ka dhisan sagaalka degmo ee caasimadda Hargeysa. Kulankaas oo ka qabsoomay xarunta wasaaradda, ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo wada-shaqaynta Bulshada iyo Wasaaradda.

Kulanka waxaa ka soo qayb-galay xubno ka socday guddiyada arrimaha bulshada ee degmooyinka iyo hawl-wadeennada wasaaradda u qaabilsan adeegyada bulshada (Social Workers). Ujeeddada ugu weyn ee kulanku waxay ahayd in la isku xidho shaqada wasaaradda iyo tan guddiyada xaafadaha, si loo helo isku-dubbarid buuxa oo wax looga qabanayo baahiyaha bulshada.

Intii uu socday kulanka, waxaa si qoto-dheer looga dooday dhibaatooyinka soo noqnoqda ee ka jira xaafadaha, iyadoo la is-weydaarsaday aragtiyo ku aaddan sidii loo heli lahaa xalal waara. Waxaa la isla gartay muhiimadda ay leedahay in wasaaradda iyo guddiyadu si wadajir ah uga hawl-galaan sidii loo heli lahaa xal kama dambays ah oo looga gudbo caqabadaha bulshada haysta.