Dabagalka iyo Ilaalinta Daah Furnaanta Qandaraasyada Qaranka ee Somaliland

0
145

Qore Axmed M. Saleebaan

Hargeysa (Dawan) Guddoomiyaha Guddida Qandaraasyada Qaranka, Mudane Cabdoo Axmed Aayir, ayaa guddoomiyey kulan muhiim ah oo lagu xoojinayo wada-shaqeynta iyo isla xisaabtanka la xidhiidha mashaariicda dawladda hoose. Kulankan oo ka dhacay xarunta guddida, ayaa diiradda lagu saaray sidii loo hirgelin lahaa nidaam daahfuran oo lagu ilaaliyo hufnaanta qandaraasyada qaranka.

Ujeeddada kulanku waxay ahayd in la dardargeliyo isku-xidhka hay’adaha dawladda ee maamula qandaraasyada, lana hubiyo in mashaariicda dawladda hoose lagu maamulo si hufan, oo waafaqsan shuruucda iyo habraacyada qaran.

Guddoomiyaha waxa kulankaasi ku wehelinayay, Guddoomiye-ku-xigeenka Guddida, Mudane Ibraahim Ducaale Cawke, iyo Agaasimaha Guud ee Guddida Qandaraasyada Qaranka JSL, Mudane Cabdiraxmaan Aadan Cilmi (Boodhle). Waxaanay Masuuliyiintani ay adkeeyey muhiimadda ay leedahay wadashaqayn joogto ah iyo in la dhiso kalsoonida dadweynaha iyada oo loo marayo isla xisaabtan dhab ah iyo hab-maamuus daahfuran.

Kulankan waxa uu qayb ka yahay dedaallada lagu tayeynayo nidaamka qandaraasyada, laguna ilaalinayo in hantida qaranka lagu maamulo si waafaqsan mabaadi’da caddaaladda, hufnaanta iyo isla xisaabtanka. Guddidu waxay ballan qaaday in ay sii wadi doonto la-tashiyada iyo kor-u-qaadista xirfadaha la xidhiidha maaraynta qandaraasyada ee heer dawlad hoose iyo mid qaranba.