Istaraatijiyadda Mashruuca ICSP: Iskaashiga Bangiga Aduunka iyo Somaliland

0
201

Qore Axmed M. Saleebaan

Hargeysa (Dawan)- Wasaaradda Horumarinta Beeraha ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa markale muujisay doorkeeda hoggaamineed iyo istiraatijiyadeed ee kobcinta dhaqaalaha dalka, iyadoo si firfircoon u hirgelinaysa mashruuca cusub ee Xoojinta Awoodda Hay’adaha (Institutional Capacity Strengthening Project (ICSP). Tallaabadan oo ah mid leh muhiimad weyn waxa uu astaan u tahay in la fahmay in horumar waara lagu gaadhi karo oo keliya marka la dhiso awoodda shaqaalaha iyo hay’adaha dawladda, lana hagaajiyo nidaamyada siyaasadeed ee lagu hagi karo dhaqaalaha beeraha ee dalka.

Mashruuca ICSP oo ay maalgelinayso Baanka Adduunku ayaa ah barnaamij wax-ku-ool ah oo lagu xoojinayo hay’adaha dowladda ee la tacaalaya arrimaha beeraha, gaar ahaan marka la eego baahida deegaanka abaarta u nugul iyo isbeddelka cimilada. Waxa si gaar ah diiradda loo saarayo dhismaha siyaasado cad-cad oo cilmibaadhis ku saleysan, tababaradda shaqaalaha heerarka kala duwan, iyo samaynta qiimeyn joogto ah si loo hubiyo in horumarka la gaadhayaa uu u noqdo mid muuqda oo la taaban karo.

Mid ka mid ah tiirarka muhiimka ah ee mashruucan waa kobcinta xirfadaha (soft skills) ee shaqaalaha Wasaaradda. Xirfadahaas sida isgaadhsiinta wax-ku-oolka ah, hoggaaminta, wada-shaqaynta kooxeed, maaraynta khilaafaadka iyo maaraynta waqtiga, kuwaas oo ah saldhigga wanaajinta iyo hufnaata shaqo. Wasaaraddu waxay qaaday tallaabo geesinimo leh oo la xidhiidha sidii xirfadahani looga dhigi lahaa dhaqanka maalinlaha ah ee shaqo, taas oo ka dhigan in la xoojinayo hab-maamul dhisan iyo shaqaale u qalma heerarka shaqo ee ay qaranka u hayaan.

In la keeno khabiir gaar ah oo la shaqeeya shaqaalaha Wasaaradda si uu u qiimeeyo baahiyahooda, u diyaariyo tababarro tayo leh, una hormariyo hannaanka isdhexgalka xirfadahan, waa arrin kale oo muujinaysa horu-socodka wasaaraddas isla markaana ka tarjumaysa heerka hufnaanta iyo himilada Wasaaradda. Maaha oo kaliya in la bixiyo tababar, balse waxaa la hubinayaa in tababarradaas ay yeeshaan saameyn la dareemi karo, oo wax weyn ka beddela qaab fikirka, shaqada iyo adeegga loo fidiyo beeralayda dalka.

Wasaaradda Horumarinta Beeraha ee Somaliland ayaa si xeel dheer u fahantay in horumarinta beerahu aanay ku salaysnayn agab iyo farsamo oo keliya, balse ay tahay in la dhiso nidaamyo karti u leh maaraynta, la-tashiga, iyo qorsheynta waarta. Tani waxay sare u qaaday kalsoonida lagu qabo Wasaaradda dhexdeeda iyo xidhiidhka ay la leedahay hay’adaha caalamiga ah.

Ugu dambayn, dadaalka Wasaaradda ee ICSP waa tusaale laga daydo, kaas oo ah mid muujinaya in marka ay jirto aragti fog, qorshe cad, iyo hawl-wadeenno karti leh, isbeddel dhab ah la gaadhi karo. Somaliland waxay leedahay dhul beereed muhiim ah, balse waxa ka muhiimsan waa in ay jirto Wasaarad u taagan sidii ay dhulkan u gaadhsiin lahayd wax-soo-saar iyo maarayn waarta.