Xadiiska

0
176

Waxaa laga weriyay Abuu Cabdullaah Jaabir ibn Cabdullaah- Al-Ansari (Rc) inuu yidhi :

“Nin ayaa weydiiyey Rasuulka Allah (scw): Haddaan tukado salaadda oo aan soomo Ramadaanka oo aan raaco xalaasha iskana ilaaliyo xaaraanta oo anan waxna ka siyaadin ma gelayaa Jannada? Waxaana uu ku jawaabay Rasuulka Allah (scw): Haa! (Muslim).

Xadiiskuna waxa uu ina farayaa inaan raacno oo aan gudano waajibaadka  Allah (SCW) ina faray iskana ilaalino wixii la inaga reebay, si aan Janada Allah (sw) ugu galno.