Dalalka Masar iyo Turkiga oo Wadajir ah u Cambaareeyay Israa’iil

0
226

Kualn laba geesood ah oo dhex-maray Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee waddamada Masar iyo Turkiga ayaa lagu soo bandhigay mowqif mideysan oo si adag loogu cambaareeyay dawladda Israa’iil, kaas oo ka dhan ah qorshaha ay Israa’iil ku doonayso in ay xoog kula wareegto guud ahaan gacan ku haynta iyo maamulka magaalada Gaza.

Badr Abdelatty, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar, ayaa ku tilmaamay qorshahan mid aan la aqbali karin, isagoo sheegay in tallaabadaas ay khatar weyn ku tahay dadka reer Falastiin iyo xasiloonida gobolka. Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa dhankiisa si kulul u dhaliilay, isagoo sheegay in Israa’iil ay qorsheynayso ka saarista Falastiiniyiinta Gaza si ay halkaas ugu beddesho deegaan cusub oo ay ku noolaadaan dadka Yuhuud ah.

Qorshaha Israa’iil ayaa soo baxay kadib markii Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu uu wareysi uu siiyay Fox News ku caddeeyay in dowladdiisu rabto inay gacanta ku dhigto guud ahaan Gaza. Wejiga koowaad ee qorshahan, ayuu sheegay, wuxuu noqon doonaa xakameynta magaalada Gaza. Golaha Ammaanka Israa’iil ayaa hore u ansixiyay talaabadan, inkastoo aanay si cad u sheegin in ay damacsan yihiin qabsashada dhulka oo dhan.

Kulanka Qaahira ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray baahida loo qabo in dalalka Muslimiinta ah ay isku duubnaadaan si ay uga falceliyaan dagaalka Israa’iil ee Gaza, iyadoo Masar, Qatar, iyo Mareykanku ay weli wadaan dadaallada dhexdhexaadinta ee lagu doonayo xabbad-joojin waarta, balse ilaa hadda aan midho dhalin.

Xaaladda Marinka Gaza ayaa weli ah mid kacsan, iyadoo dagaalka socday ku dhawaad laba sano uu sababay khasaare naf iyo maal badan, islamarkaana kor u qaaday cadaadiska caalamiga ah ee lagu doonayo xal siyaasadeed.