Qore Mowliid Aadan Cumar
Hayadaha Dhaqaalaha Dalka oo ah Baanka Dhexe Somaliland iyo Wasaarada Maaaliyada iyo Wasaarada Ganacsiga iyo Guud ahaan Ganacsatada Somaliland waxan leeyahay Dhaqdhaqaaqii LACAGTA Somaliland ee Noodhadhka ama noocyada lacagtu wuxu marayaa Heer ay BULSHADA SOMALILAND ilowdaba in lacag Kaash ah lays waydiin ama wax lagu kala iibsado.
Hadaba ujeedada mowduucani oo ah in Guud Hayadaha Dhaqaalaha Dowlada iyo Ganacsada Somaliland ay wadajir u qabtaan BARNAAMIJ ah kor u qaadista ISTICMAALKA LACAGTA KAASHKA AH.
Sidaasi awgeed waxan usoo Jeedinayaa GUDOOMIYAHA BAANKA SOMALILAND inuu Diyaariyo Barnaamijkaasi oo muhiim ah wakhtigan Qabashadiisu sababtuna waxay tahay waxa maalinba maalinta ka dambaysa ama sanadba sanadka ka dambeeya yaraynaya ISTICMAALKA LACAGTA KAASHKA AH waxana sababay (ISTICMAALKA ZAAD IYO EDAHAB) oo ah Nidaam DHAQAALE iyo Xawaaladeed oo mideeya DHAMAAN SOOMAALIYA.
Hadaba waxa lama huraan inaan iftiimiyo Tilmaamaha saxda ah ee ka qayb qaadanaya kor u qaadista ISTICMAALKA LACAGTA KAASHKA AH.
- Waxa waajib Sharci ah in Wasaarada Maaaliyadu ku qaado cashuurta Dowlada lacag Kaash ah waana Talaabada kowaad ee kor u qaadista Dhaqdhaaqa lacagta
- Wasaarada Maaaliyada iyo Xisaabiyaha Guud Dowlada waxa waajib ku ah inay mushaharka Dowlada ku bixiyaan Lacag Kaash ah sida uu Qeexayo Qodobka (13) ee Dastuurka Somaliland.
Intaasi waxan ku darayaa waxan leeyahay Madaxwaynaha Baananka Somaliland oo ah Gudoomiyaha Baanka Dhexe Somaliland kir u qaadista ISTICMAALKA LACAGTA KAASHKA AH waxa mugwayn ku leh Baananka Gaarka ah iyo Xawaaladlayaasha DALKA SOMALILAND.
Qodobka aan kusoo koobayo Talo soojeedintan waxa weeye qofkasta oo muwaadin ah waxa waajibku ah inuu ka qayb qaato Daryeelka Isticmaalka Shilinka Somaliland
Wabilaahi Towfiiq Allah Mahad Leh
By.Mowliid Aadan Cumar Hargaysa






















