Qore Axmed M. Saleebaan
Hargeysa (Dawan)- Wasaaradda Horumarinta Waxbarashada, Barbaarinta iyo Sayniska ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa markale ku tallaabsatay guul la taaban karo oo ku wajahan horumarinta aqoonta wax ku oolka ah ee dhallinyarada, iyadoo magaalada Hargeysa lagu daahfuray manhaj cusub oo ku saabsan farsamada gacanta oo loogu talagalay dugsiyada sare.
Manhajkan cusub waxa uu si gaar ah diiradda u saaraya sidii ardayda dugsiyada sare loogu dari lahaa aqoon iyo xirfado gacanta ah oo ay si toos ah ugu shaqaysan karaan kadib marka ay dhameeyaan waxbarashadooda. Tani waxa ay ka jawaabaysaa baahi dhab ah oo taagan: shaqo la’aanta baahsan ee dhalinyarada iyo halista tahriibka, kuwaas oo ah arrimo si gaar ah u taabanaya mustaqbalka bulshada.
Masuuliyiinta wasaaradda iyo daneeyeyaasha waxbarashada ee ka qaybgalay munaasabadda daahfurka waxay sheegeen in manhajkan la dhisay ka dib wadatashi qoto dheer oo lala yeeshay macalimiin, aqoonyahanno, khubaro xirfadeed iyo hay’ado taageeraya waxbarashada. Sidaas darteed, manhajkan wuxuu leeyahay sal adag oo ku dhisan xaqiiqda suuqyada shaqo ee gudaha iyo dibadda.
Hirgelinta manhaj farsamo oo dugsiyada sare lagu daro waxa ay tahay is-beddel aragtiyeed oo muhiim ah, taas oo ah mid diiradda saaraysa waxbarasho shaqo abuurta, halkii laga sii wadi lahaa nidaamka dhaqameed ee inta badan ku salaysan barasho buug iyo imtixaan. Waxa ay sidoo kale Somaliland u furaysaa waddo cusub oo ay ku yarayn karto cadaadiska ka imanaya tahriibka, isla markaana kor loogu qaadi karo shaqo-abuurka gudaha.
Munaasabadda oo ay kasoo qaybgaleen agaasimaha Waaxda Manaahijta, masuuliyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda, macallimiin, iyo hay’adaha taageera waxbarashada, ayaa sidoo kale muujisay wadajir buuxa oo ka dhaxeeya dawladda iyo daneeyeyaasha waxbarasho ee maxalliga ah iyo kuwa caalamiga ah. Tani waxa ay tusaale u tahay in isbeddellada waaweyn ee lagu sameeyo nidaamka waxbarashada oo loo marayo hannaan furan, isla markaana tixgelinaya talada bulsho-weynta iyo bahda aqoonta.
Soo bandhigidda manhajkan farsamada gacanta waa tallaabo istiraatiiji ah oo muujinaysa sida Somaliland ugu heelan tahay horumarinta waxbarasho la jaanqaadaysa baahida casriga ah. Waxa ay fure u noqon kartaa in dalka laga helo jiil cusub oo leh xirfado shaqo, karti hal-abuurnimo, iyo awood ay kaga maarmaan caqabadaha mustaqbalka ee shaqo-raadinta iyo tahriib.
Wasaaradda Waxbarashadu waxa ay muujisay in isbeddelka manhajyada aanu ahayn kaliya dib-u-eegis buug ah, balse uu yahay mabda’ waxbarasho oo xoojinaya awoodda muwaadinka, taas oo noqonaysa mid ku tiirsan gacantiisa, halkii uu ka noqon lahaa mid sugaya fursado aan la hubin. Tani waa billow, balse waa billow leh yididiilo qaran.
Home Wararka Dalka Manhajka Farsamada Gacanta Somaliland: Tallaabo Istiraatiiji ah oo lagu Xoojinayo Horumarinta Xirfadaha...




















